|

Dowlada Madaxweyne Farmaajo oo bilowday bixinta Mushaarka Ciidanka

Muqdisho 18. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in mushaaraadka la siiyo ciidanka dowlada Soomaaliya oo mudo 8-bilood ah qaarkood wax mushara ah la siin.

Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa shalay la siiyay mushaarkii ugu horeeyay ay helaan mudo 8-bilood , waxaana mushaarkan la siiyay ciidanka booliiska uu yahay hal bil kaliya, waxaana wali ka maqan ciidanka mushaar iyo xaquuqo kale ay lahaayeen.

Mushaarka ciidanka booliiska Soomaaliya waxaa bixiya Dowlada Federaalka Soomaaliya Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada(UNDP), mushaarka hada la siiyay ciidanka booliiska ayaana ahaa kan ay bixiso dowlada Federaalka.

Saraakiisha ciidanka booliiska ayaa soo dhaweeyay bixinta mushaaraadka ciidanka booliiska, waxa ayna muujiyeen in rajo wey ka qabaan in si joogto ah u helaan Mushaarkooda maadama la doortay Madaxweyne Farmaajo oo looga bartay taageerida ciidanka qalabka sida.

Dowlada cusub uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa laga sugayaa in ay xooga saarto bixinta Mushaaraadka ciidanka dowlada, waxaana guusha Farmaajo si weyn usoo dhaweeyay ciidanka qalabka sida kuwaa oo aaminsan in Madaxweynaha ka heli doonaan mushaarkooda.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo ayaa balan qaadyadii uu sameeyay waxaa ku jiray in xooga uu saarayo bixinta mushaaraadka ciidanka qalabka sida iyo sidii loo dhisi lahaa ciidanka Xooga Soomaaliyeed si ay ula wareegaan amaanka guud ee dalka.

Comments are closed