Pyongyang May 07 2013 (SDN)– Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabinaysa Labo gantaal oo nuuca ridada dheer ah kuwaasi oo la dhigay Xeebaha Bariga dalkaasi ku yaalla.
Wakaalada Rasmiga ah ee Wararka u faafisa Kuuriyada Waqooyi ayaa ku soo warameysa in tijaabadan ay ka qeybgalayaan Madax kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Pyongyang.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa jiray walaaca ku aadan tijaabada Galtaalaha Ridada dheer leh ee Pyongyang, taasi oo ay dowladdo badan u arkaan in Kuuryada Waqooyi ay ku dhaqaaqeyso Talaabo qaldan.
Sarkaal ka tirsan Wasaarada Difaaca Maraykanka ayaa sheegay in Washington ay rumeysantan in gataalada Musudan ee la tijaabinayo ay yihiin kuwo aan meel dheer gaareyn islamarkaana aysan wax walwal ah ku heyn Maraykanka.
Tijaabada Gantaal ee Kuuriyada Waqooyi ayaa imaaneysa xilli maanta Madaxweyne Barack Obama uu kulan kula qaadanay Aqalka Cad Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed ee Park Guen-hye.
SDN-Pyongyang
