Nairobi Feb 08 2013 (SDN)– Kenya ayaa yareyn doonto ciidamadeeda ka jooga dalka Soomaaliya 20% todobaadyada soo socda,marka loo eego warbixin ay soo saareen golaha amaanka ee qaramada Midoobay.
Sida lagu daabacay wargeyska Daily Nation ee kasoo dalka Kenya Hal batalyan oo ah 850 askari oo u dhashay dalka Sierra Leone ayaa horay loo qorsheeyay in lagu soo daro ciidamada midowga Africa ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya bishan February ama March.
Dowlada Kenya waxaa ciidamada AMISOM kaga mid ah 4,652 askari kuwaasi oo la saxiixay bishii November ee sanadkii dhamaaday, inay AMISOM kusoo biiraan,waxaana xoghayaha qaramada midoobay Banki Moon uu u sheegay golaha amaanka in la rajeynayo in laga doodo todobaadka soo socda.
Qorshaha yareynta ciidamada Kenya ee ka joga Soomaaliya ayaa imaanaysa iyadoo qaramada midoobay ay Kenya ay siisay dhaqaalo gaaraya 132 Million oo doolar ,oo la isku raacay in la siiyo ciidamada Kenya bisha july si magdhow ahaan ah.
Qaramada Midoobay ayaa bixisay inka yar hal million oo doolar ,waxaana safiirka Kenya ee Qaramada midoobay Macharia Kamau,uu u sheegay golaha amaanka ee qaramada midoobay in dib u dhigida bixinta dhaqaalaha qorsheysaysan ay tahay, mid aan la aqbali Karin oo aan suurto gal aheyn.
Warbixinta qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ay xaqiijiyeen amaanka dekeda Kismaayo iyo magaalada ,iyadoo sidoo kale ay ku sugan yihiin deegaano kale oo jubbooyinka ka tirsan.
Hadalka ayaa imaanaya iyadoo dowlada Kenya ay lakulantay qaraxyo iyo dilal qorsheysan waxii ka dambeeyay markii ciidamadeeda ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya.
