|

Dowladu xilkasnimo ayay muujisay

maalintii sabtididii waxa qeybo ka mid ah magalada hargeysa si yar uga bilaabmay bananbax ay dadku kaga cabanayeen biyo la’aan soo food saartay mudo sadex/afar maalmood ah taasoo ka dhalatay booyadaha biyaha u dhaamiya xaafadaha magaalada Hargeysa oo ka biyo diiday xeerk takaalifta ee ay xukuumadu dhawan ku so rogtay dhaman gaadiidka kala duwan, si loogu fuliyo mashaariicda horumarinta wadooyinka oo runtii waxtar weyn u lahaan doona bulshada.

Marki ay mudaharaadadu isu rogeen kuwo rabshado wata ayaa waxaa goobtii yimid cidamada rabshadaha xakameeya ee booliiska si ay u kala dareeriyaan dadkii bananbaxa sameynayay.

Hadaba dhacdadan ayaa u muuqatay mid dhawr macne loo kala adeegsaday iyadoo dad jecel in wax la mucaarado dooneen iney uga faa’ideystaan sawir qaldan oo laga bixiyo dhacdadan aan soo sheegnay sida ay ku bilaabantay iyo usuusheedaba.

Anigoon runta ka fogaaneyn ayaan doonayaa inan idin tuso wixii aan kala kulmay mar aan booqday goobtii uu bananbaxu ka socday. Waxan dhageystay dhalinyaradii biyo la’aanta ka gadooday iyo dhawaaqoodii, waxayna ka sinnaayeen in maamulka iyo dowladaba aanay mucaarad ku ahayn kana so horjeedin balse ay doonayaan in tabashadoodu gaadho madaxda sare.

Arintan aya ku tuseysa xaqiqada dhabta ah ee dhacdadan, waxa kale oo ay daaha ka rogeysaa in aan wax baayacmushtar ah oo kale ku dhex jirin. Taas ayaana u quus goysay cid kasta oo ganacsi ka dhex baadhaysay ama xiiseynaysay inay iska horkeenaan dadweynaha iyo maamulkooda.

Waxa mahad weyn iska leh ciidamada amaanka iyo hogaankooda oo si xilkasnimo leh ula macaamilay dadkii danyarta ahaa iyo dhalinyaradiiba, tudhaalo badana tusay shacabkooda. Inkastoo ay dhawacyo kooban oo fududi jireen, hadana waxa aan barbar dhigi karnaa mudaharaadkii kan la midka ahaa ee Riigii biyaha waqtigii Madaxweyne Daahir Rayaale talada hayay. Taasoo aan xasuusan karno khasaarihii dhimasho iyo dhaawacba lahaa ee ka dhashay. Taas oo aan ku macneyn karno dhacdadaasi hore wax caqli ah looma adeegsan.

Sidoo kale waxa mahad iyo amaanba leh masuuliyiintii isu xilqaantay inay xalliyaan khilaafka, rabshadahana joojiyaan soona afjaraan.

Ugu danbeyntii waxaan maamulka kula talinayaa, in xeerkaa takaalifta si gaar ah loo eego qolada booyadaha, gaar ahaan kuwa biyaha u dhaamiya dadweynaha. Talaabadaas waxay noqon doontaa mid ay dowladu ugu naxariisatay ummadeeda. Waxa kale oo muhiim ah in dowladu ogaato qiimaha ugu haboon ee ay booyaduhu biyaha ugu dhaamiyaan dadka. Arintan waa mid isku soo dhaweyneysa maamulka iyo shicibkaba.

Dhinaca kale hadii aynu ka eegno dhacdooyinka sidan oo kale ahi waxay ku haboon yihiin in la horgooyo ee yaan la sugin in laga jawaabo. Masuuliyiinta dowlada gaar ahaan kuwa ay sida gaarka ah u khuseyso waxa haboon inay wada shaqeyn dhaw oo joogta ah la yeeshaan dadweynaha. Taas oo ka hortageysa in si khaldan dadka wax loogu sheego ama sifo kale loo isticmaalo.

Waxan gabagabadii u sheegayaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Axmad Maxamed Maxamuud Siilaanyo in ay jiraan habab fudud oo wax weyn ka tari kara baahidan biyo yarida oo ah mid had iyo goor ina hortaagnaan doonta hadii aan xalka meelo badan laga dayin. Mudane madaxweyne waxan hayaa fikrad wax weyn ka tari karta baahidan biyaha oo lagu raysan doono. Fulinta mashruucan uma baahna ictiraaf waa mid aynu inagu qabsan karno waanan awoodnaa insha allah. tijaabada mashruucan waxa suurto galin kara qadar kooban oo lacag ah kana yar nus malyuun $. Kaasoo ay ka faa’deysan doonaan kumanaan qoys. Hadii mashruucani meelmar noqdo wuxuu noqon doona mid lagu baahiyo guud ahaan dalka maaliyadiisana la iska kaashado loona qeyla dhaan tago. Habkan aan soo jeediyay waa kan ugu fudud uguna jaban si biyo loo helo.

Waxan rajeynaya guul deg deg ah in aynu gaadhno insha alaah.

Allaa mahad leh,

Sakariye Cabdi Sulub

Freelance journalist

Comments are closed