Uncategorized

Dr. Bilal Philips Oo Maanta La Kulmay Ardayda, Macallimiinta iyo Maamulka Dugsiyada IFTIN

Hargeysa July 09,2013(SDN)-Sheekha Wayn ee Caalimka ah ee Dr Abu Ameenah Bilal Philips oo maalmahanba ku sugnaa Waddanka, Kulanno kala duwanna la yeeshay qabybaha kala duwan ee Bulshada ayaa maanta waxa uu la kulmay Ardayda, Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiyaa IFTIN ee Magaalada Hargeisa.

Ugu Horrayn waxa halkaasi ka hadlay, Sheikh Siciid Abdillahi Siciid Oo Ah wakiilka Jaamacadda Islamic Online University ee Bariga Africa, waxa uu Sheekh Siciid Si kooban uga hadlay Muddadii uu sheekhu Joogay waddanka iyo hawlihii kala duwanaa ee u qabsoomay. “Mudaddii uu sheekhu (Dr. Bilal Philips) Waddankeenna Joogay waxa uu la kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshada, Jaamacadaha Waddanka ee Kala Duwan, Madaxwaynaha, Dhallinyarada Rag iyo Dumarba), Isagoo Safar ugu Baxay Jaamacadda Camuud ee Ku Taalla Magaalo Madaxda Gobolka AWDAL ee Borama” Sidaa waxa tibaaxay Sheikh Saed oo hadalkiiisa ku soo gabagabeeyay, “ Waxa maanta Nasiib u helay in uu la kulmaan Dr. Bilal Iskuulkiinnan IFTIN oo runtii ah mid ka mid ah hormuudka iskuullada waddanka ee dhawaanahan la furay”.

Waxa Sidoo kale hadal kooban madashaasi ka jeediyay Maamulaha Guud Ee dugsiyada IFTIN Mr. Ahmed Hamud Mohamoud oo si kooban u tilmaamay in Iskuulku uu markastaba ku hawl jiro sidii uu ardaydiisa ugu keeni lahaa Culimada iyo Aqoonyahanka Caalamiga ah ee Waddanka Jooga. “Waxa noo sharaf maanta in uu nala joogo Sheekheenii/CAalimkeennii waynaa Sheekh Bilal Oo Ujeeddada socdaalladiisu ay yihiin in ahmiyadda la saaro kobcinta aqoonta muslimiinta adduunka dhammaantood”, Waxa uu Maamuluhu intaa ku daray “Aad baan ugu mahadnaqayaa Sheekha, waxaanan rajaynayaa inaynu marar kalena ku kulmi doonno Iskuulkeenna In Shaa ALLAH”.

Waxa uu maamuluhu ku soo dhaweeyay Sheekha oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay ardaydii madashaas fadhiday, Ugu horrayn waxa uu sheekhu ka hadlay ahmiyadda ay aqoontu u leedahay bani aadamka iyo sida ay aqoonta islaamku uga nadiifsantahay ta dadka aan islaamka ahayn. Waxa uu sidoo kale ka hadlay sheekhu in ardaydu ay wanaajiyaan shaqada ay hayaan oo ah waxbarashada. Quraanka iyo Ahmiyaddiisa ayuu sidoo kale sheekhu ka hadlay muddadii uu ardaydaas la hadlayay. Ugu dambayn waxa uu sheekhu ka jawaabay su’aalo ay ardaydu waydiisay sheekha oo dhammaantoodba xiiso lahaa.

Kulankaas ka dib waxa uu sheekhu kulan gaar ah la qaatay macallimiinta Dugsiyada IFTIN.