Uncategorized

Dr Dixood Oo Noqday Xubintii 3-aad ee Iska Casisha Kooxdii Wasiir Samaale Karkaarka Weydaariyey

Hargeysa:9-Nov-2013(SDN) Dr Cumar Cilmi Dixood oo ka mid ahaa 15-kii Xubnood ee dhawaan sida qarsoodiga ah u dhistay Madaxda Guddida Qabanqaabada Shirweynaha Kulmiye, ayaa Noqday xubintii Saddexaad ee istiqaaladdeedda gaadhsiisa Guddoomiye Muuse Biixi.

dixoodDr Dixood ayaa istiqaaladdiisa Nuqul ka mid ah Habeenkii Xalay soo Gaadhsiiyey Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com, waxana ay u dhignayd sidatan:

“Aniga oo ah digtoor Cumar Cilmi Dixood, waxan halkan ka caddaynayaa inaan iska caslay xubinimadii Guddida qabanqaabada ee shirweynaha xisbiga Kulmiye.

 

Waxa aan Guddoomiye kaaga mahad naqayaa inaad xilkan ii garatay marki hore, imikana waxana kaa codsanayaa inaad iga aqbashao is casilaaddan ka dib markii aan arkay murankii iyo kala qaybsanaantii xisbiga ay ku keentay arrintaasi oo ilaa madaxweynaha gaadhay.

 

Aniga oo eegaya danta Xisbiga, ta qaranka iy xaaladda waddanku uu ku jiroba, waxana ku rajo weynahay inaad iga aqbasho is casliaadaas”

Ayuu Cumar      Dixood ku sheegay istiqaaladdiisa, iyadoo aan wali  la caddaynin inuu Guddoomiye Muuse ka aqbalay Iscasilaadaas.

 

Xubnaha kale ee wali ka hadhay 15-kii Xubnood ee burburka Xisbigu ka bilaabmay, ayaa iyaguna waddada ugu jira sidii ay meesha u bannayn lahaayeen, waxana la filayaa inay si is daba joog ah isku casilaan.

 

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com