|

Dr. Edna oo loo doortay madaxa ururka caalemiga ah ee UNPO

Brussels (QJ) – Dr. Adna Adan oo ka mid ah lataliyeyaasha madaxweynaha Somaliland ayaa loo doortay madaxweynaha ururka UNPO oo ah hay’ad ay ku midaysan yihiin wadamada aan ka midka ahayn Qaramada midoobay ee aan la aqoonsan.

UNPO waxaa la aas aasay sanadii 1991 waxaanay ka shaqeeyaan xuquuqada wadamada aan la Ictiraafin ee dunida.

Dr. Adna ayaa ka mid ah dadka sida weyn ugu ololeeya aqoonsiga Somaliland iyo hawlaha umuliso.

Xubnaha ururka UNPO ayaa xubnihiisa waxa ka mid ah Cabdi Mahdi oo u ololeeya aqoonsiga Ogaden.

Waana haweenaydii ugu horeysay ee ururkan ka noqota madaxweyne tan iyo markii la aas aasay oo wadamo badan ka baxeen markii la aqoon saday ee ay ku biireen qaramada midoobay.

Comments are closed