Uncategorized

Dumaasha kursiga nin kii lahaa nool yahay. Hirdankiisa lagu riiqday ee adduunka badan ku burburay…! “ Qalin maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim”

Dumaasha kursiga nin kii lahaa nool yahay. Hirdankiisa lagu riiqday ee

adduunka badan ku burburay…!

“ Qalin maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim”

Cabdinaasir Abraham

Tii oo aannan ka tegayn milgaha iyo maamuuska qoraalka tolmoon, sharaf iyo qadarrinna u hayo

madaxda Qarankayga. Waxa laga ma maarmaan noqotay, in aan jawaab u helo waydiimaha tiro-

beelka ah ee maskaxdaydu igu soo celcelinayso ee ka dhakhsaha badan “xawaaraha Nalka.”

Tan iyo bilowgii hirdanka dumaasha kursiga nin kii sii nool yahay, waxa aan arkayaa adduun

faro weyn oo ummaddii lahayd;

Qaar ka biyo la’yihiin, Qaar ka gaajoonayaan, Qaar ka waxbarasho la’yihiin, Qaar ka shaqo

la’yihiin. Kuwa kale oo badanna duruufo nololleed oo adag ay ku geddaaman yihiin oo hadana si

sahlan loo baabinayo hantidfoodii.

Mayd kaa la sii sido ayaa ugu danbeeyay’e, xafladdii habeen hore ee adduunka badan ku baxay

ee lagu maamuusayay qayb bulshada ka mid ah oo qaadatay magaca (qurbe-joog) waxa ay iila

muuqatay olole siyaasadeed oo cid gaar ah wadato, qalinkaygu uu ka xishoonayaa inaan

magacaabo.Hasa yeeshee, waxa aan ka xumaaday in lagu soo beegay goor shacabka reer

Soomaalilaand qayb ka mid ah ay beerka dhulka ku hayaan, abaar ba’an iyo harraad dartii. Goor

miyi warkiisa iska dhaaf’e, caasimaddii booyado dhex meeraysanayaan, iyadoo dadka danyarta

ahi aanay awood u lahayn in ay biyaha booyada ka shubtaan.

NB: lacagtii cashada, jaaska iyo kibir dhaadhiga ku baxday, waxa ay ummadda u jaraysay ugu

yaraan 500. Booyadood oo biyo ah.

Abwaan Axmed Saleebaan (bidde) hees uu curiyay ayaa tidhaa (HADDII XARAGADU KU

QAADOO, HANKAAGU XIDDIGAHA KU GEEYO, WAX UUN BAA LA XEERIYAA!)