|

Dunnida Reer Yurub: Hooyadaa Maamusha Dhaqaalaha Qoyskeeda, Awoodna U Leh Inay Guriga Ka Caydhiso Carruurteeda Aabahood !!

Sweden, 18 April, 2016-(SDN/QJ) :– Qoysaska Soomaalida ah ee ku dhaqan Dalalka Qaaradda Yurub, ayaa waxa dhibaato ka haysataa dhaqanka Dalalkaasi oo ay badankoodu ku tageen Qoxooti-nimo, waxaana inta badan Hooyooyinka iyo Aabayaasha soo kala dhex gala khilaafaad salka ku haya Maamulka Qoyska, maaddaama oo Shuruucda Qoysaska ee Dalalkaasi Awoodda ugu badan siiyaan Hooyada.

Arrimaha-Qoyska1Haddii Aabo iyo Hooyo Soomaali ah oo ku nool Dalka Sweden uu khilaaf soo kala dhex galo waxa Hooyada iyo Carruurteedu awood u leeyihiin inay Booliiska la xidhiidhaan isla-markaana Aabaha laga eryo Guriga, Sababta oo ah Dawladdu waxay sharci ka dhigtay oo ay bartaa Hooyada iyo Carruurta Qoyska kasta inay Booliiska la hadlaan, haddii Aabuhu gacan u qaado Hooyada ama Carruurta.

 

Hasa-ahaatee, Aabaha Soomaaliga ahi haddii Guriga si sharci daro ah looga saaro, uma Cawdo Dawladda isla-markaana ma tago Xarumaha Arrimaha Qoysaska lagaga hadlo, isagoo aaminsan aragtida ah “Nin Rag ah Cabasho looga wanaagsan”, aragtidaas oo ah mid ku salaysan dhaqanka Soomaalida ee Ragga u jideynaya Ad-adeyg iyo Inaanu Cabanin hadduu dhibaato walba waajaho.

 

Alma Aadan oo ka mid ah Soomaalida muddada dheer ku noolaa Dalka Sweden, kana mid ah Xildhibaannada Golaha deegaanka ee Caasimadda Dalka Sweden, kuna Takhasustay Arrimaha Bulshada, ayaa si faahfaahsan uga hadashay dhibaatada haysata Qoysaska Soomaalida, gaar ahaan Aabahayaasha, iyadoo iftiimisay in dhaqanka Soomaalidu la tagtay Dalalka Yurub uu Aabayaasha ka hor taagan yahay inay xuquuqdooda sheegtaan haddii Xaaskiisu ka saarto Guriga.

 

Alma Aadan, waxay ugu horeyn ka hadashay sababta keentay in Hooyadu maamusha Lacagta Caydha ah ee la siiyo Qoysaska Soomaalidu ka mid yihiin, “Waddamada Qurbaha (Marka qoysku is khilaafo) waxa la caawiyaa Hooyada, sababtu waxa weeyaan Berigii hore Aabuhu isagaa lahaa Lacagta (Caydha ah), laakiin  waxa la soo saaray Go’aan ah in Hooyooyinka lagu wareejiyo Lacagta oo ay Guryaha joogaan, Aabuhuna soo shaqeeyo.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay oo ay ka hadashay khilaafaadka Qoysaska qurbaha, “Marka Qoysku is-qabto ee Aabuhu Guriga ka tago ma Cawdo, waayo? Ragga waxa lagu soo koriyey in aanay Cabanin oo aanay Ooyin markay dhibaato la kulmaan, markaa Dawladaha Yurub qalad bay ku tahay inay Caawiyaan waayaan Aabaha Gurigiisa ka taga (Ka Cadhooda) ee dhibaatadiisa sheegan waaya.”

 

Alma oo u warantay Barnaamij ka hadla Arrimaha Bulshada oo ay soo saarto Haweenay lagu Magacaabo Raxma Jaamac, ayaa sidoo kale sharraxday Hooyada iyo Carruurta Soomaalida Booliiska ka dacweeya Aabaha Qoyska, “Yurub marka la joogo, Hooyada iyo Carruurta waxa la baraa in marka dhibaato ku dhacdo la garaaco Lambarka Booliiska, markaa Aabaha waa laga saaray meesha (Gurigiisa). Hooyada iyo Aabuhu hadday is-laayaan, Maaha in Aabaha Dambiile laga dhigo oo Hooyada la badbaadiyo. Dhibaatadaa waanu daba-galnay waxaanuna ogaanay Dalalka Yurub Qofku baahidiisa wuu sheegtaa, laakiin Ragga Soomaaliyeed waan dhex galay waxaanan ogaaday in Qofka Ragga ahi inaanu doonayn inuu dhibaatadiisa ka hadlo, markaa Ragga ayaan ka hadal in dhibaatada ku dhacda ama haysata in laga caawiyo.” Ayay tidhi, waxayna intaa sii raacisay, “Raggu waa inay Ogaadaan Xuquuqda ay ku leeyihiin Xaasaskooda iyo Carruurtooda, waa inay ogaadaan Sharciga Dalalka Yurub ka jira, waa inay ogaadaan in aanu jirin Sharci sheegaya in Nin Booliis ahi gurigaaga aayar kaa saari karo. Haddii Aabahayaasha Soomaalida ee Qurbuhu fahmi lahaayeen inaan Sharci daro looga saari karin Guryahooda wax badan baa is beddeli lahaa. Aabahayaasha Soomaalida waxaan leeyahay Ceeb maaha inaad tagto Xarunta Lagu eego Dacwadaha Qoysaska.”

 

Alma, waxay ka hadashay noocyada dhibaatooyinka ay la kulmaan Aabayaasha Soomaalida ee Xaasaskoodu Guriga ka caydhiyaan, waxayna tidhi, “Aabuhu dhibaatooyin badan baa la soo dersaya, ta koowaad waxa weeyaan Qoys uu intaas oo Sannadood soo dhisayey ayaa dibadda looga saaray Sharci daro ha noqoto ama yaanay noqonine. Bulshada oo u aragta Nin Adag oo aan dhibaatadiisa ka hadli karin, ta kale Dalalka Yurub caawimo loo fidiyo Aabayaashu aad bay u yar tahay, hadday jirtana Aabaha Soomaaliga ahi lama socdo.”

 

Alma, waxay Aabayaasha Soomaalida u soo jeedisay Talooyin la xidhiidha siday u gudbisan karaan dhibaatooyinka kaga yimaadda lamaanahooda, “Aabaha Soomaaliyeed marka laga hadlayo dhibaatada Qoysaskooda ma tagaan Goobaha lagaga hadlo, waxay yidhaahdaan Arrimaha Dumarka iyo Carruurta ayaa laga hadlayaa, waxaan leeyahay waa inay tagaan, Hooyada Soomaaliyeedna waxaan leeyahay inta aanad Garaacin Lambarka Booliiska waa inaad ka fikirtaa wixii dhibaato ugu jirta Carruurta, haddii aad Ninkaaga ugu yeedho Booliiska.”ayay tidhi.

Comments are closed