|

Baarlamanka Soomaaliya oo Dhaliil adag u soo Jeediyay Maamul Goboleedka Puntland DHAGAYSO

Muqdisho 18.April 2016 (SDN/QJ):- Qaar kamid ah mudanayaasha baarlamanka dawlada federalka Soomaaliya oo maagaalada muqdisho caasumada Soomaaliya shirjaa’id ku qabtay ayaa eedayn u soo jeediyey maamulka Puntland kadib rabshado ka dhashay qaraxii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaanadan oo tiradoodu gaaraysay ilaa 45 ayaa sheegay inay rabshadahaas ka dhaceen magaalooyinka Gaalkacyo,Galdogobo,Buurtinle iyo Garowe dhamaana lagu bartilmaansaday dadka kasoo jeeda koonfurta iyo bartaha Soomaaliya.

Mudanayaashan ayaa qaar kamid ah ay dhaliileen dad loo qabtay hawlgalada ay ciidamadu ka wadaan gudaha deegaanada Puntland waxaana ay sheegeen in la qabtay dad iska fadhiya goobaha ganacsiga.

C/laahi Xaashi Qoobdeero wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha dawlada hoose iyo hormarinta reer miyiga dawlada Puntland ayaa dhankiisa sheegay warkaasi inuu yahay mid aan ka imaan dad waxgarad ah waxaana uu xusay inay dadka koonfurta iyo bartamaha kasoo jeeda ay awood kuleeyihiin Puntland kana ganacsadaan.

Comments are closed