|

Duqa magaalada Minneapolis oo Xuseen Samatar wado ugu magac daray

Minneapolis Dec 31,2013(SDN)-Duqa magaalada Minneapolis R.T.Rybak ayaa shirkiisii jaraaid ee u danbeeyay mudadii 12ka sanadooda ee uu xilka hayay ka shaaciyay in wado dhabe isku xiri doonta xaafada Africaaknku ku badan yahay iyo faras magaalaha loogu magac dari doono Allaha u naxariistee Xuseen Samatar.

Xuseen ayaa ahaa ruuxii u horeeyay ee Soomaali ah ee xil dawladeed ka qabta magaalada Minneapolis Minneapolis.

Dhabahan uu Duqa magaalada Minneapolis ugu magaca daray Marxuum Samatar ayaa haatan ah mid isku xira wadada 94 iyo magaalada Hoose.

Waxaana loo bedeli doonaa mid lugta lagu maro oo ay magaaladu gelin doonto qarash dhan $500,000 oo dollar.

Xaaskii marxuum Xuseen Samatar Ubax Jaamac oo ay weheliso gabar uu dhalay marxuumka oo shirka jaraaid ka qeybgashay ayaa Rybak uga mahadcelisay magacaabida.

Sidoo kale qoyska Mr Samatar ayaa duqa Minneapolis siisay hadiyad ka koobneyd cumaamad iyo farshaxan kale.

SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed