|

Duqaymo xoogan oo maanta ka dhacay badhtamaha Soomaaliya

Muqdisho. 31 July, 2022. (QJ)- Duqaymo xoogan ayaa maanta ka dhacay deegaanka Coomaad oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan .

Diyaaradaha dagaalka ayaa lasoo warinaya inay maanta duqeynta la beegsadeen xarun ay ku sugnayeen xubno ka tirsanaa alShabaab, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan oo sheegay in duqeynta lagu laayay Al-shabaab badan inkastoo aanu carabaanin tirada lagu dilay duqeynta.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay duqaynta maanta diyaaradaha dagaalka ka geysteen Coomaad oo marka laga tago Al-shabaab ay ku nool yihiin dad u badan Xoolo dhaqato oo xiligaan la daalaan dhacaayo abaaraha daran ee ka jira deegaanada gobolka Hiiraan.

Warar dheeraad ah oo soo baxaya sidoo kale sheegaya in xilliga duqeynta ay dhaceysay ay dagaalyahanada Shabaab halkaasi ka wadeen dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana duqeyntaani ay kusoo beegmeysa xili todobaadkii lasoo dhaafay askar ka tirsan dagaalamayaasha Shabaab ay ka gudbeen xad beenaadka uu gobolka Hiiraan la wadaago dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Itoobiya, islamarkaana ay ka dhex dagaalameen gudaha deegaanada dowlad deegaanka.

Diyaaradaha duqeymaha culus maanta ka geystay deegaanka Coomaad ayaanan la ogeyn cida iska leh, hayeeshee waxaa duqeymaha noocaan oo kale ah inta badan alShabaab la beegsata dawladda Maraykanka, waxaana soo labeeysa dowladda Kenya oo iyana diyaaradaheda duqeymo khasaare u geystay dad shacab ah iyo alShabaab ka fuliyeen deegaanada maamulka Jubbaland.

Comments are closed