|

Wakhtiga diwaan-gelinta ururada siyaasadda Somaliland xidhmayaan oo la shaaciyay

Hargeysa. 31 July, 2022. (QJ)- Gudida Diwaangelinta Ururada Siyaasadda Somaliland ayaa shaaciyay wakhtiga rasmiga ah ee ay xidhmayso diwaan gelinta ururada siyasaddu.

War maanta kasoo baxay gudida oo uu ku saxeexanyahay gudoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda & Ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland ayaa lagu xusay in mudadii 45-ka maalmood ahayd ee diwaan-gelintu ay ku egtahay 10ka August, 2022.

Waxa xusid mudan, in Somaliland uu ka jiro khilaaf wayn oo siyaasadeed iyadoo dadka wax falanqeeyaa ay sheegayaan in wax doorasho ah oo dhacaysaa aanay jirin deegaanada Somaliland waxaana laga cabsi qabaa khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

Halkan ka akhriso warka gudida:

Comments are closed