|

Duqeynta Laascaano waxa amray Muuse Biixi

Laascaanood Feb 26, 2023 (QJ) -Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/Risaaq Khaliif Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay colaada ka taagan magaalada Laascaanood oo uu dhiig badan ku daatay saddexdii toddobaad ee u dambeeyay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in magaalada Laascaanood uu ka jiro khasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay colaadaasi, wuxuuna sheegay in xaaladdu ay la mid tahay dembiyo dagaal.

Waxa kale oo uu sheegay in dedaalo kala duwan uu ku bixiyay sidii loo xalin lahaa colaadaasi oo uu Madaxweyne Muuse Biixi fashiliyay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in magaalada ay ka dhaceen duqeymo aan loo meel dayin oo ay geysanayaan ciidamada Somaliland, isla markaana ay weerareen xarumo muhiim ah oo ay ku jiraan isbitaallo.

Waxa uu ku eedeeyay ciidamada Somaliland in ay dambiyo dagaal ka geysteen deegaanada maamulkaasi, waxa uuna cadeeyay in magaalada lagu duqeeyay amarka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Comments are closed