|

Somaliland oo ciidamadeedii kala baxday Laascaano

Hargeysa Feb 26, 2023 (QJ) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Cisse Keyd, ayaa ka hadlay ka bixitaanka ciidamada Somaliland ee magaalada Laascaanood, ka dib dagaal toddobaadyo socday.

Warsaxaafadeed uu soo saaray wasiir Keyd ayaa sheegay in ujeedka dowladda uu tahay sidii beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ay u tusi lahaayeen in ay nabadda ka go’an tahay.

Waxa uu intaasi ku daray in ciidamadu ay awood u leeyihiin inay difaacaan Somaliland, balse ay doonayaan inay muujiyaan sida ay uga go’an tahay dhaqangelinta xabad-joojin.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay ka go’an tahay in Laascaanood aanay ku sugnayn Argagixiso, waxaanu ugu baaqay maleeshiyaadka hubeysani inay isaga baxaan magaalada.

Cisse Keyd waxa uu carabka ku adkeeyay in Somaliland ay awood u leedahay inay xaliso khilaafaadkeeda gudaha iyo ilaalinta xasiloonida.

Goaanka ayaa imanaya xili cadaadis caalemi ah uu soo wejahay Xukuumada aan sharciyada heysan ee Muuse Biixi.

Comments are closed