|

Duqeyntii Laascaanood oo maanta mar kale dib u bilaabatay

Laascaanood June 24, 2023 (QJ) – Inta la ogyahay lix qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena way ku dhaawacmeen duqeymo iyo dagaal xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Laascaanood.

Dagaalkan ayaa ka dhacay duleedka bari iyo ka waqooyi ee magaalada Laaska, waxaana soo qaaday ciidamo hubaysan oo ka soo jeeda Somaliland iyo maleeshiyaadka SSC ee deegaanka oo iska difaacayay, kuwaas oo muddo dheer u dgalaamayay gacan ku haynta deegaanka.

“Dhawaaqa rasaasta ayaa si lama filaan ah ku bilaabatay, wax yar ka dibna waxaa dhacay qarax weyn, waxaan arkay walaalkay oo dhulka jiifa” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka Laascaanood.

Goobaha ay dhibaatadu gaadhay ayaa waxaa ka mid ah iskuul lagu barto farsamada gacanta, dhismaha shirkadda isgaarsiinta ee Telesom, isbitaalka weyn, goobo ganacsi oo faro badan, iyo guryo badan oo dad rayid ahi deggan yahay.

Magaalada ayaa waxaa soo buux dhaafiyay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada Somaliland. Dagaalka ayaa socday ilaa hadda, iyadoo mararka qaar ay dagan tahay iyadoo mararka qaar ay dhacayaan dagaallo xooggan.

Guddiga maamulka SSC ayaa cambaareeyay weerarka ay ciidamada Somaliland ku qaadeen magaalada, iyagoo ku eedeeyay inay gardaro iyo duulaan aan loo meel dayin soo qaaadeen. Dhanka kale, ma jiraan wax hadal oo ka soo baxay Somaliland oo ku aadan dagaalkii maanta.

Comments are closed