|

Puntland oo sheegtay nooca doorashada madaxtooyada ee dhaceysa January

Garoowe June 24, 2023 (QJ)  – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa warsaxaafadeed uu goor dhow soo saaray kaga hadlay doorashada madaxtinimada ee soo socota, taasoo ay weli ku muransan yihiin dowladda iyo xubnaha mucaaradka ah.

Wasiirku waxa uu iftiimiyay caqabadaha ku xeeran wakhtiga doorashada madaxtooyada, maadaama xisbiyada mucaaridku ku adkaysanayaan in dib loo dhigo wakhtiga loo cayimay ee bisha January.

Dirir waxa uu ku nuux-nuux saday in doorashadda Madaxtooyadu ay ku dhici doonto waqtiga ay iyagu cayimaan ee loogu talo-galay, inkastoo ay diidan yihiin taa mucaaridku, ujeeddaduna tahay in la ilaaliyo xasiloonida.

Sababta ay u diidan yihiin doorasho qabyaladeeda ayuu ku sheegay in ay tahay in la xaqiijiyo hay’adaha siyaasadda iyo ka qeyb galka xisbiyada siyaasadda.

Sidoo kale, waxa uu ku dooday in dadka hadda dhaliilsan qaabka ay dowladda Puntland u maareyso doorashada ay yihiin shaqsiyaad aan daneyneynin horumarinta hanaanka doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, arrintan ayaa ka tarjumeysa khilaafka weli ka dhex taagan madaxweyne Deni oo doonaya inuu muddo kororsi ku sameeyo xafiiska iyo mucaaradka, iyadoo ay barbar socdaan dhaliilo iyo jawaabo ka imaanaya mucaaradka.

Xaaladda ayaa weli ah mid mugdi ah, waxaana magaalada Garoowe ee caasimadda ah weli kacsan, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay isku dhaceen labada dhinac. Lama hubo natiijada ka soo bixi doonta, balse ciidamada ammaanka ayaa weli si weyn u jooga magaalada Garoowe, inkastoo ay jiraan doodo siyaasadeed oo ka dhex jira maamulka Puntland.

Comments are closed