|

DURUUSTA LAGA BARAN KARO DHACDOOYINKA MASAR

Waxaanu ayaamahan dul joognay dhacdooyin sawir maqal iyo muuqaal oo inga dhegey markhaatiyaal. Markhaatiga aamusaa waxa la yidhi waa dambi, Ramadaanna waa lagu jira. Waxaan gartay bal inaan si degan u eegno moojaddan duufaanka wadata sidey u kacday iyo cidda hoosta iyo dushaba ka afuuftay.

Waxaad xusuusata intii kacdoonka la magac baxay Kacdoonkii Xagaaga  Carabta, in dawladihii ka dhashay dhammaan noqdeen qaar u janjeedha dhinaca ururada islaamka ah oo dhammaan lala xidhiidhinaayo Walaalaha Islaamka Masar loona yaqaan Ikhwaanka. Liibiya iyo Tuunis iyo Kacdoonka Siiriya dhammaan waxay wadaagaan Islaam waliba ah Sunne.

Adduunkan manta oon mabda’ shaqayn, oo noqday dawlad iyo qofba in loo xusul duubnaado danno gaar ah, ayaa waxad arkeysa dad aad u kala fog aragtida iyo iimanka haddana wadajir ugu jira arrin markaas taagan kuwu kalena iskaga soo horjeeda. Waa calaamadaha aakhir saamaanka, Waa imtixaan Alle marinaayo aadmiga si loo kale saro kan ku adkeysta mabda xalaasha ah iyo kan sida jirjiroolaha kolba qar u booda, hunguriguna hoggamiyo.

AhmedDawladaha galbeed dalkooda waxay ku dhaqaan dimuquraadiyadda iyo nidaam ilaaliya xuquuqda aadmiga, dunida kale se waxay ku eegaan meesha iyo sida dheecaanka ugu badan iyo qabniga ugu sareeya ay ku heli karaan. Uma taal in nidaamka dalkaasi yahay keli talis dhiigyo cab ah amba mid qoys keli u leeyahay. Laakiin waxay xarfaan ku yihiin inay darsaan ooy raacaan kolba cidda awoodda yeelan karta. Waxa loo yaqaan daad is raacin oo u ah tab ay ku hantaan kuna dhowraan danahooda. Nooc kasta nidaamka dal ka taliyaa ha ahaadee kama fogaadaan, waxayna isku hawlaan inay gujo iyo marmaroojin, iyo dhaameel aan la dareemin ku mustafeeyaan haddii kale ay qalibaan.

Haddaba kacdoonkii ka bilaabmay wiilkii isku gubay Tunis 2011, midho dhalkiisuu ugu weyna waxa la gaaadhay kolkii doorasho xor oo xalaal ah oo xisbiyo badani ku tartamaan kolkii ugu horeysay ka dhacay dalka Masar. Mursi oo ku guulaystay 53% codkii doorashada , kolka dalkan Ingiriska ayna xisbiga talada haya uuna dhaafin 35% oo waliba dadka codeeya ayna dhafsanayn boqolkiiba 50, waxaad arkeysa biseelka galbeedku gaadhay iyo faham la’aanta dimuquraadiyadda ee Carabta. Xataa kuwa fahamsani waxay ka faa’ideysanayaan aqoon darrada bulshada.

Colkii dhacay oo uu ugu horeeyo Dr. Baraadici iyo Cumar Muusa, waxay bilaabeen inay yidhaahdaan aan talada la wadaagno iyo ha la dhiso dawlad wadaag ah iyagoo leh yaa matalaaya dadkii ka codeeyey…dimuquraadiyaduna waxayba ku dhisantay in kolba cidda aqlabiyada hesha talada loo daayo oo la sugo doorashada dambe. Waayo haddaan kolba xisbiga la doorto loo deyn, ma imaneyso la-xisaabtan, dadkuma waxay kala doortaan ma garan karaan. Wadaag waxa uu dhaca nidaamka barlamaanka kolka xisbina waayo aqlabiyad, xisbi aqlabiyad ku guuleystaa cidna lama wadaago, mana habboona, oo waxa wiiqmeysa hadafka doorashada. Haddii kii dadku diideen, uu xukunka la wadaago kii ay doorteen, sow kama hor imaneyso rabitaankii dadweynaha.

Wey ku adkaatay Mursi inuu taas iska daafaco waayo waxuu ogyahay jahliga ummadda ka heysta arrintan. Waana halka laga helay. Kolka xukun cusub aad qabato ummaddu waxay ku siineysaa muddo gaaban ood wax badan bedli karto haddaad taas ka faaideysan weydo waxa soo kacaaya dadkii cararay ee kaa cabsi qabay.

Waxa taas ka sii daran waxuu oodda ka qaatay saxaafaddii iyo xoriyaddii banana baxa ., isagoon wax badan ka bedalin maamulkii 60ka sano jiray ee askarta iyo ganacsatada ka xoolaysatay bolo qaran ay dhidibka u aaseen. Waana khadka loo soo maray. Cabsidii ayaa baxday waxaa dib isu abaabulay raggii yaqaanay sida beenta shacbiga loogu sheego. Waxa Imaaradka ku sugnaa Shafiiq oo ka hawlgalay sidii maalkii debedda yaalay ee kooxdii Xusni loogu hawlgeli lahaa. Waxa iyana taagan cabsida laga qabo raadka dimuquraadiyad ka najaxda Masar ay ku yeelan karto dunida Islaamka. Waxa farta wadnaha ku hayey dalal badan oo Carab ah, Israaiil iyo xataa Iiran u u baqaysa Lebnaan iyo Ciraaq.

Qaladada uu galay Dr. Mursim waxa ugu weyn arrimahan

  1. Muu noqon sidii Meleskii Itobiya oo cagta muu marin taliskii bahaloobay ee Xusni Mubarak
  2. Muu noqon qonyar socod hadal qabow inta uu xoogeysanayo side Erdoganka Turkiga
  3. Waxuu fasaxay furashada Tviyada bilaa shuruud, waxaana bilaabmey iney is uruursadaan intii 60 ka sano danaha gaar ku qabtay xukunka.Warbaahintu waxay noqotay mid la iibsado iyo mid mucaaridku leeyahay bas.
  4. Taladii ciidanka intuu waayeelkii Golaha ku jirey eryey ayuu u dhiibey nin 60 jir ah oo ka tirsanaa isla golaha. Waxay ahyd kol hadday Golahii tahay inuu u daayo waayeelkii xilka ku wareejiyey oo u muuqday rag xukunka soo dhmmeystay oo magac doon ah, amba uu magacoobi Taliye ka baxsan Golahii Xusni.

Calaa kuli xaal waxuu noqday nin macaan oo gacan qabow oo qancin iyo aaminsan in dadka runta loo sheego, kolka Masar tahay meel ninka macaan la muudsado oo degdeg loo dhammeeyo, kan raxmadda badana laga hoos tuso, ka qalbiga jilicsana la khiyaameeyo.

Waxa la yaab leh in manta colaadiisa iyo tan lo hayo Ikhwaanka, ay iska kaashanayaan Israaiil, Suuriyada Asad, Dalalka Khaliijka, Iiraan, Xisbulla Lebnaan, Dalalka Galbeedka. Su’aashu waxay tahay nabad ma heli doontaa Masar hadday xukunkan ay boobeen ku guuleystaan Islaam diidku. Sidey se ugu heli doonaan cod oggolaansha ah dastuur ka dhigaaya xukuumadda masar cilmaani, Waa amuurta ku noqotay laf dhuun gashay sarkaalka 60 Jirka ah Janaraal Siisi ee haddana is moodaaya isuna eekeysiiya 40 jirka.

Waxaynu nidhaahnaa addunka ayaa ina ga’doomiyey haddaynu nahay reer Soomaliland, inaga waxay ila tahay inaga ayaa saduuq isku xidhnay. Jaraa’idka adduunkoo dhan waxa falooyin iyo wararka ugu horeeya waa qadyadahana inaga xataa wadaaddo ka hadlaayaa ma hayno, malaha ducada masaajiddana laguma daro qadyadda Suuriya iyo Masar. Warbaahinteenu qafas ayey isku xidhay inagiina inagu xidhay. Kolkaan qafaskaas jabino ayey addunyadu inoo furmi doontaa. Waxa xata inaga yaraan lahayd is hirdida hoose iyo duqeenta ma dhaleyska ah. Sidaad dunida wax uga qorto eed ula socoto ayaa laguula socon doonaa.

Waxaan qoray maqaal seddex jeer ka badan kan, kolkaas ayaan xasuustay sideynu ka nahay akhriska wax dhaafsiisan xaafadeena iyo aragti reereysan, kolkaas ayaan kan ku soo koobay intii kalena daadka raaciyey. Raali ha ahaadaan intiina jecel lafagurka iyo dhuuxa aarintan miisaanka culus ku leh dunida  gaar ahaana Islaamka.

Duruus badan ayaa ku jirta kacdoonka Masar ee is rogroga badan aan la socono jidkuu maro iyo halkuu ku biyo shubto.

 

Ahmed Arwo

samotalis@gmail.com

Comments are closed