Uncategorized

Madaxweyne Uhuru Oo Beri Ka Noqday Dacwad Culays Badan Ku Haysay Oo Kaga Socotay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC

Hague:Dec,06,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa wax aka Fuqay mid kamid ah Culaysyadii ka Haystay Xagga Maamulka, kadib markii uu war fiican ka Helay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC-da oo ay kaga socotay Dacwad Xasaasi ahi.

doreMaalintii shalay ayey Maxkamddu si cad ugu dhawaaqday in dacwaddii maxkamadda kaga socotay Madaxweynaha Loo waayey caddaymo ku filan, sidaas darteedan la laalay oo aanay waxba ka jirin.

Maxkamada caalamiga ah ee danbiyada dagaallka ICC ayaa qoraal ka soo baxay shalay waxaa ay meesha uga saartay ama ku baabi’isay dacwadii ka dhanka aheyd madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, kaddib markii sidda ay maxkamadu sheegtay loo waayay dacwada cadeymo ku fillan.

“Caddeymo ku filan uma hayno dacwadda loo haysto Uhuru Kenyatta, taasoo keentay in maxkamaddu ay joojiso dacwadda inta ka helayaan caddeymo cusub,” ayay Bensouda ka sheegtay maxkamadda horteeda.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa loo haystaa dacwado ka dhan ah bani’aadamnimada ah oo ka dhacay dalka Kenya, kaddib doorashadii madaxnimo ee dalkaas ka dhacday sannadkii 2007-dii taasoo ay siyaasiyiintu ku murmeen.

Billowgii bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii Kenyatta uu u dhoofay dalka Holland si uu goobjoog uga ahaado dacwadda dhanka bani’aadamnimada ah ee loo haysto, isagoo xilka u dhaariyay ku xigeenkiisa.

Uhuru Kenyatta 52-jir ah ayaa sheegay in sababta uu xilka u wareejiyay ay tahay in isagoo ah madaxweynaha Kenya; isla markaana matalaya malaayiin qof oo Kenyan ah uu hortago maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.

Madaxweynaha Kenya weli kama hadlin go’aanka ay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ku gaadhay inay dacwadihii loo haystay ee dhinaca bani’aadamnimada ah tuurto , inkasta oo madax ka tirsan dowladiisa ay soo dhoweeyeen go’aankaasi.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com