|

Todobaadka Barnaamijka Horumarinta Kaabayaasha Afrika 2016 (Warbixin)

Hargaysa 28. November 2016 (SDN/QJ):- Barnaamijka Horumarinta Kaabayaasha Afrika ee sanadkan 2016  oo ka furmay maalintii jimcaha Magaalada Abidjan ee dalka Iverycoast ayaa diirada lagu saarayaa oo halhays looga dhigay abuuritaanka shaqooyin badan oo qayb ka qaadanaya isbedelka ay qaaraddu ku hammiyayso.

kaabayaasha-afrikaBarnaamijka Horumarinta Kaabayaasha Afrika waa barnaamij khuseeya ka shaqaysiinta dhinacyada gaadiidka, Tamarta, Biyaha isaga gudba xuduudaha iyo Macluumaadka Tiknoolajiyada isgaadhsiinta ICT.

 

“Afrika waa inay u fidisaa dhalinyaradeeda shaqooyin anfaca , hadii ay doonayso inay ka dhabayso qorshaeeda horumarinta dhaqaalaha ee qaybta ka ah aragtida hiigsiga yoolka dheer ee 2026” sidaa waxaa lagu sheegay baaq lagu furay xuska todobaadka barnaamijka horumarinta kaabayaasha Afrika 2016.

 

Baaqan waxaa si wadajir ah u soo jeediyey Ururka Midnimada Afrika (AU) (www.AU.int), NEPAD Agency (www.NEPAD.org) iyo baanka horumarinta Afrika, African Development Bank (AfDB) (www.AfDB.org, iyadoo kulankaa Abidjan ay ka soo qaybgaleen wakiilada 250 shirkado ganacsi ah,mas’uuliyiin metelayey Dawladaha Afrikaanka, ganacsiga gaarka loo leeyahay, qaybaha wadashaqaynta la leh barnaamijyada horumarinta iyo mulkiilayaasha mashaariicda.

Mashruuca isku dhafan ee horumarinta kaabayaasha afrika waxa ka go’an in la fududeeyo isdhexgalka bulshada Afrika iyadoo la wanaajinayo kaabayaasha gobolka

Todobaadka Horumarinta kaabayassha Afrika ee sanadkan 2016 waxa kale oo lagu soo bandhigi doonaa xaqiijinta mashaariicda heer gobol ee dhinaca kaabayaasha nolosha aadamaha iyo raadadka kale ee ku saabsan horumarinta dhaqan dhaqaale ee Afrika oo loogu horaysiinayo sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinyarada Qaaradda.

Gabadha Midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayasha iyo tamarta Dr. Elham M.A. Ibrahim,ayaa warbixin ay kulanka furitaanka ka jeedisay waxay sheegtay in barnaamijka horumarinta kaabayaasha Afrika uu door muhiim ah ku leeyahay hoos u dhiga farqiga u dhexeeya shaqo abuurka iyo shaqo la’aanta, si taa loo soo wadana waxay ugu baaqday dadka iska leh go’aamada siyaasadeed iyo maamulayaasha ganacsiga gaarka loo leeyahay inay firfircooni dheeraad ah geliyaan tababarada iyo xirfadaha barasha luqadaha si ay taageero ugu noqdaan mashaariicda kaabayaasha gaar ahaan dhismaha waddooyinka iyo jidadka tareenada, quwada xooga korontada iyo gudbinta cududa dhalinyarada Afrika si ay u noqdaan kuwo ka qayb qaadan kara hirgelinta mashaariicda adag ee qaybta ka ah barnaamijkan.

Inta lagu jiro todobaadka Barnaamijka kaabayaasha Afrika waxaa laga hawlgelayaa xaqiijinta aragtida barnaamijkan oo la soo bilaabay sanadkii 2015 si loo sii kordhiyo mashaariicdiisa, loona wada gaadho bulshada maalgashadayaasha kaabayaasha nolosha ee caalamiga ah. Hay’adaha horumarinta iyo maalgashiga, wakaaladaha qaabilsan dhoofinta, daneeyayaasha mashaariicda guud iyo kuwa gaarka ah iyo xukuumadaha

Dr Ibrahim Assane Mayaki oo ka socday hay’ada NEPAD waxa uu kulankaa ka sheegay in Afrika ay ka faa’iidaysanayso hantida ma guurtada ah ee ay leedahay oo ah cududa dhalinyaradeeda, kuwaas oo ay lama huraan tahay in la daryeelo si ay ugu suurogasho inay ka qayb qaataan hawlaha horumarinta Qaramadooda.

Dhankiisana ku xigeenka Gudoomiyaha baanka horumarinta Afrika Stephan Nalletamby, waxa uu ka sheegay kulanka Magaalada Abidjan in sii waditaanka barnaamijka kaabayaasha Afrika uu muhiimad weyn u leeyahay isbedlka Qaaradda, waxana uu ku adkaystay in barnaamijku ahaa mid xoog leh oo u qalma in hadafkiisu noqdo mid la xaqiijiyo sanadka 2030 sida loo qorsheeyey.

Todobaadkan Barnaamijka kaabayaasha Afrika waxa kale oo lagu eegayaa  soo bandhigida guulihii waaweynaa ee ka soo hoyday mashruuca iyadoo ilaa 16 qaybood oo barnaamijka ka mid ah lagu sifeeyey kuwo lagu guulaystay.

Comments are closed