|

Fadeexadaha Muuqda Ee Dul Hoganaya Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Iyo Jawaabta Aan Lagu Qanci Karin Ee Xayiraada Xoolaheena Ee Boqortooyada Sucuudiga

Hargaysa 16. December 2016 (SDN/QJ):- Marka u horreysa waxaan halkan ka salaamayaa oo aan ku hambelyeyna Madexweynaha JSL- Mudane Axmed Max’d Maxamuud (Siilaanyo), dhismaha quruxda badan ee uu ka dhisey Xarunta waxool, taasoo Dawlidihii ka horeeyey oo dhammi aanay waxba ka qaban, iyadoo ey tahay in markii u horeeysay xafiis laba dabaq laga dhiso xarunta waxool ee Hargeysa, Somaliland. waxaan kale oo aan ku bogaadinayaa safarkii shaqo ee uu ku soo maray degaannadii abaarto saameysay.

Haddaba waxa xusid mudan in Adeegyada Xannaanada iyo Daawada Xooluhu ee dalkeennu soo mareen marxalado iyo duruufo adag burburkii Dawlidii dhexe ee Soomaaliya kaddib, taasoo aanay jirin waxa dawlad ama wasaarad ah oo ka jirtey Somaliland, taasoo malleeshiyaad hubaysani meel kasta fadhiisteen oo baro kantarool ka sameysteen, iyadoo duruufaha adag la soo maray, xaalado dagaalna lagu jiro, haddaba dhakhaatiirta xooluhu waxay ku guuleysteen iney aasaasaan ururo dhakhaatiir ah oo gaar aha ama madax bannaan, isla markaasna waxay ku guuleysteen inay sameeyaan xarumo amabo goobo lagu baadho caafimaadinta xoolaha dhoofa iyagoo kaashanaya ganacsatada xoolaha dhoofisa iyadoo xaalado dagaal maleeshiyo ka jireen dalka, isla markaasna aanay haba yaraatee aanay jirin wax hay’ad ama dawlad ka gacan siisa, taasoo ey maanta jiraan in mas’uuliyiin fara badan aaney waxba kala socon amba waxba ka ogeyn wixii lala soo maray wasaaraddan oo xafiisyo iyo baabuur qurux badan ey maanta ugu yimaadeen.

Ururadaasi dhakhaatiirta waxay ka hawl geli jirey dhamaan Gobollada & Dekedaha dalka sida Berbera, Maydh, waxay ku shaqeyn jirneen Feynuusyo amaba Tiriigyo iyadoo aanay haba yaraatee wax nal amaba koronto ahi gebi ahaanba aanay Magaalooyinka dalka ka jirin, maantana waxa ALLE LAGU MAHADIYO AH inay inoo dhisan yihiin – xafiisyo dhaadheer, sheybaadho, maxjaro,jaamacaddo iwm oo dhamaantood u adeegayada xannaanadda & Daaweynta xoolaha.

Waxa xusid mudan in MADAXWEYNE MAXAMED X. IBRAHIM CIGAAL, ( ALLAH HA U NAXRIISTE), waxa uu u magacaabay xilligiisii wasaaradda Xannaanada Xoolaha laba aqoonyahan, oo kala ahaa (ALLAH HA U NAXRIISTEE LABADABA – Prof. Farxaan Xaashi Fooyaan – Wasiir iyo Prof. Foodcadde – Agasime Guud) isagoo u arkayey ahmiyadda iyo inay tahay Wasaaradda Xannaanada Xooluhu tahay lafdhabarta dhaqaale ee dalka dhisan yahay amaba ay nolosha bulshadu ku xidhan tahay.

Sidoo kale MADAXWEYNE DAAHIR RAYAALE Kaahin, wuxuu isna u magaacabey oo uu iskugu keenay laba aqoonyahan oo uu ka kala dhigey Wasiir – Dr. Idris Ibrahim Cabdi (Alle ha u naxariistee), iyo Agaasime Guud – Dr. Maxamuud Cali Giire.

Mas’uuliyiintaasi aqoonyahanka ahaa ee isaga dembeeyey xilalka wasaaradda xilliyaddii Madaxweyne Cigaal iyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin — waa ta keentay in mashaariic fara badan lagu guuleysto, lagana hirgeliyo goballada dalka, kuwaasoo illaa maanta sidii loogu talo iyo si ka fiicanba u shaqeynaya, waxana ka mid :

Dugsiga Tababrka Caafimaadka Xoolaha ee Sheekh, oo maanta dhalliyaradii ka soo baxaday oo badankkoodi noqday dhakhtiir ka hawl gala dhamaan dalalka geeska afrika ku yaal.

Maxajarka dhoofinta xoolaha ee Shirakada Aljaabiri, kaasoo illaa maanta si fiican u shaqeynaya, waxa kale oo iyana Ganacsatadii reer Somaliland ku guuleysteen inay sameeyaan Maxajaro kale oo iyana baahi weyn loo qabay, isla markaasna adeegyo fiican qabta.

Wasaaradda X. Xooaha (2001-2009), waxay xidhiihdo fiican & gacan saar la soo sameysay hey’ado caallami ah oo ka caawiya wasaaradda dhinacyada Horumarinta Caafimaadka Xoolaha, sida Tallaalka iyo Daaweynta xoolaha, iwm, oo illaa maanta si fiican u socda, sida heya’dda FAO oo sidii u wada Barnaamijkii daaweynta iyo tallaalka xoolaha.

Haddaba laga soo billaabo lixdii sanno ee ugu dembeeyey (2011) ee Dawladda Xisbiga Kulmiye talada dalka hogaanka u qabatey , waxa marba marka ka dembeysa hoos u sii dhacayey fulintii mashaariicdii iyo adeegyadii caafimaaddinta xoolaha loogu adeegayey, ee ey mas’uul ka aheyd WASAARADDA X/XOOLHA, taasoo mashaariicda qaarkood ku billaabmeen kuna dhamaadeen buuq iyo rabashado ka dhexeysay bulshada ku nool degaanadaasi iyo Wasaaradda, kuna saleysneyd isfaham la’aan, qaarkoodna ey illaa hadda fashil ku dhaw yihiin, sababtoo ah iyadoo Mas’uuliyiinta iyo Madaxda Wasaaradda ay noqdeen kuwa aan ehel amaba aan wax aqoon ah u laheyn oo aan wax faham ahba ka heysan shaqadan amaba xilkan loo magacaabey, laakiinse xilalkan waxa loogu soo magacaabey oo keliya sidii ay Dawlidii Kacaanka aheyd ay dadka taageersan afkaartooda ey xilka ugu dhiibi jirtey, sida ma yahay KACAAN, GUULWADE, XISBIYAHAN, AFKU-XOOGLE….????? iwm.

Mas’uuliyiinta amaba madaxda wasaaradda loo soo magacaabey waxay noqdeen Wasiir iyo Agaasmi Guud, oo aqoontoodu tahay – DHAAKHTUIIR DAD, ASKAR, AMABA SUXUFIYIIN.

Waxa intaasi dheer oo aan Ummadda reer Somaliland wada og yihiin, in loo soo magacaabay Wasaaraddan iney Wasiiro iyo Agaasime Guud ka noqdaan DHAKHAATIIR DAD, halka dhakhtiirtiI XOOLUHUNA ey madax ka noqdeen hey’ado ka shaqeeya Caafimaadka dadka sida Guddoomiyaha Komishanka Qaranka ee Mihanadlayaasha Caafimaadka – Dr. Axmed Xaashi Odey, taasoo noqotey arrin aad loola yaabo oo dad badan gudo iyo dibedba wax leyska weydiiyo, oo noqotay arrin lala yaabo – in Dhakhaatiirtii dadkuna ay xoolaha mas’uul ka noqdaan, kuwii xooluhuna ey dadka mas’uul ka noqdaan.

Sidaasi darted waxa fadhiid amaba fashil ku dhaw inay noqdaan mashaariic muhiim aheyd oo maanta wax weyn ka tari lahaa waqtiga iyo duruufaha adag ee xoolaheenna ama xoolo dhaqatada dalkeenna heysata, taasoo abaaraha iyo biyo la’aanta soo noq noqday ay saameeyeen.

Waxaan arimahaasi aan soo sheegay qaarkood ku soo koobayaa qoraalkan amaba tuducdan hoos ku xusan, sida:

Iyadoo la raacayo amba laga duulayo shuruucda iyo xeerarka caalamiga ee u dejisan ka ganacsiga iyo dhoofinta xoolaha nool & Hilibkooda, sida ku cad xeerka Caafimaaka xoolaha ee adduunka (Terrestrial Animal Health Code) kaasoo sannad kasta dibu habeyn lagu sameeyo, isla markaasna uu soo saaro Xafiiska amaba Hey’adda Adduunka u qaabilsan Caafimaadka Xoolaha (OIE) ee Xafiiskoodu yahay Magaalada Paris ee dalka Fransiiska – Hadadba Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL wax jawaab ah oo lagu qanci karo kamay bixin waxa Xoolaha Somaliland loo joojiyey amaba Xayiraada loo saaray, iyadoo Shirkaddo waaweyn oo isugu jira Carab iyo reer Somalilandba ay xoolaha ugu badan ka dhoofiyaan dekedda berbera, oo dhammaantood wakiilo ku leeyihiin dalalka ay xoolaha u dhoofiyaan, sida Boqortooyada Sucuudiga & Imaaraadka Xoolaha, xitaa ogaanshaha xayiraadda & waqtiga la soo saaray waa mid aad gaabis ah oo liita, taasoo aan loo baahneyn iney sidaasi u dhacdo iyadoo maanta meel kasta si fudud amaba si sahal loola xidhiidhi karo, sababtoo ah waxa ka fiicneyd inay wasaaradda X/Xoolaha ee JSL ka hor ogaato wasaaradda x/xoolaha ee Soomaaliya oo eynaan ka daba hadlin iyaga, haddii kale waxaad noqoneysaa Maamul goboleed iyaga hoos yimaada oo warbixintooda uun sii faaleeya, markaas waa inay Wasaaarddu Hurdada ha ka toosto, sababtoo ah waxa xilliyadan dembe jira ganacsato fara badan oo isugu jirta reer Somaliland iyo carab (Aljaabiri Co) ayaa waxay ka dhoofiyaan xoolaha ugu badan dekedda berbera iyo dekedda Boosaaso (Aljaabiri Co), oo ey Maxjaro ku leeyihiin, una diraan Sucuudiga gaar ahaan WAQTIGA XAJKA la soo gudanayo, Shirkadahaasi oo dhamaantood dalka gudihiisa & dibeddiisab ku leh Xafiisyo iyo Wakiilo.

Maaha wax laga naxo amaba lagu farxo waayo laga soo billaabo 1983 dalkii leysku odhan jirey Soomaaliya, xoolaha xayiraad baa la saari jirey ka ganacsigooda, dhawr jeer oo ka dembeeyeyna xayiraado kale baa lagu soo rogay xoolaheenna.

Haddaba waxa xusid mudan in xoolahaaasi lagu sheegay in markii la baadhay uu soo baxay tuhun ah inay cuduro qabaan laga dhoofiyey dekedda Muqdisho, isla markaasna ay gaadheen dekedda JEDDAH taariikdu markay aheyd 16/02/1438 kaddib marka la baadheyna uu soo baxay shaki amaba tuhun ah iney qabaan Cudurrada Cabeebka (FMD) iyo Cudurka Xummada Dooxada Rifty (RVF), sidaasna xoolihii lagu celiyey, isla markaasna sida ku cad qoraalkii ka soo baxay Wasaaradda Degaanka, Biyaha & Beeraha ee Boqortooyada Sucuudigu taariikhda – 8/3/1438 – (09/12/2016), waxa xayirad lagu soo rogey ama la saarey oo keliya xoolaha uga yimaada dalkii leysku odhan jirey SOOMAALIYA, kuwaasoo ka soo dhoofa dekeddaha Boosaaso (Puntland), Berbera (J/Somaliland), Kismaayo & Mogadishu (Badhtamaha & Koonfurta Soomaaliya), mana khuseyso xayiraado degaamada kale ee soomaalidu degto sida dalalka Iitoobiya, Kenya iyo Djabouti, mana aha wax fiican inaad dhibaato adiga kuu gaar ah amaba ku heysata inaad meelo kale iyo dalal kale kula galgalato amaba aad ku sheegto, oo aad ku dhawaaqdo amaba aad tidhaahdo.

La Soco Qaybo Kale

Comments are closed