|

Fadhigii Maanta ee Doorashadda Hogaanka Cusub ee Golaha Wakiiladda,Gudoomiye La Doortay & Xildhibaankii Laga Guulaystay oo Cadaymo Muujinaya Inay Guushu Raacday la Yimid Iyo Dareenada Ku Xeernaa Mudanayaasha DAAWO

Hargaysa 06. August 2017 (SDN/QJ):- Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Markii Labaad ee Muddada Xil hayntooda Waxay Cod Gacan taag ah oo Hal dheeri ah ugu doorteen Mudane Baashe Maxamed Faarax inuu noqdo Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda Kadib Markii uu Arbacadii hore si rasmi ah Xilkaasi isaga Casilay Gudoomiyihii Hore ee Golaha Wakiiladda Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro.

Hadaba Dhawrkii Saacadood ee la soo dhaafay Waxaa soo baxay Warar Sheegaya in la Musuq Maasuqay Qaabkii Codaynta Xildhibaan C.raxmaan Maxamed Talyanle oo ahaa Murashixii la Loolamay Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax ayaa Caawa Sheegay inuu Yahay Gudoomiyaha rasmiga ah ee Golaha Wakiiladda.

Xildhibaan Talyanle Wuxuuku dooday in isagu uu helay 39-ka cod, waxaanu Baashe Maxamed Faarax u soo jeediyay inuu tahniyadeeyo,Isagoo Sheegay in Sababtii uu Maanta isagu u Hambalyeeyay Natiijada doorashada ay ka ahayd Daacad Waxaanu intaas ku Daray inuu hayo Cadaymo muujinaya inuu isagu Yahay Gudoomiyaha Rasmiga ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland.

Comments are closed