|

War deg dega Somaliland oo yeelatay Laba Gudoomiye Baarlamaan Xildhibaan Talyanle ”Aniga Ah Gudoomiye Rasmiga ee G.Wakiiladda” DAAWO

london 07August17(SD/QJ):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo maanta hal cod lagaga guulaystay doorashadii Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland, oo Baashe Maxamed Faarax loo doortay, isla goobtiina ku bogaadiyay ayaa caawa sheegtay inuu yahay Guddoomiyaha cusub ee aqalka Wakiillada.

Waxa maanta la shaaciyay in Baashe Maxamed Faarax helay 39 cod, halka Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ay u coddeeyeen 38 xildhibaan. Waxase xildhibaanku caawa ku dooday in isagu uu helay 39-ka cod, waxaanu Baashe Maxamed Faarax u soo jeediyay inuu tahniyadeeyo.

“Guddoomiyaha Rasmiga ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ee ay doorteen 39-kii Xildhibaan waa aniga cadayntiina waan haya, Saxiibkay Baashe Waxaan leeyahay sidaan ku tahniyadeeyay ee aan daacada u aha ii hanbalyee”. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle

Comments are closed