Hargaysa 23. August 2017 (SDN/QJ):- Fadhigii ay Maanta Ku Balansanayeen Mudanayaasha Golaha Wakiiladu inay Ku doortay Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golahaasi ayaa ku soo Dhamaaday in Mar Sadexaad loo balamo inuu Fadhigaasi qabsoomo Maalinta axada ee soo socota.
Fadhigan oo uu Shir gudoominayay Gudoomiyaha Lagu Muransan yahay Sharciyadiisa Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa la iskula qaatay in Wada hadal lagu dhameeyo Khilaafka ka oogan golaha Wakiiladda.
https://www.youtube.com/watch?v=pUuyX8CqtFE
https://www.youtube.com/watch?v=YEt7dxDRAQc
