|

Fadliga Dheeraadka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan Rashiid Sulub Caalin

Sida aynu wada ognahay bishii barakaysnayd ee Ramadaan ayaynu ku guda jirnaa. Bishan ramadaan ilaahay baa aad iyo aad u qadariyey waxaanay leedahay magacyo badan, sida Shahrul Quraan, Shahrul Qiyaam.

Rashiid Sulub CaalinSidaa awgeed waxaynu ku khasbanahay in aynu inaguna qiimayno. Sirta ramadaanta ku jirta ee loo baaahan yahay in lagu dhaqmaana  ay tahay  in la ilaaliyo dhegaha afka iyo carabka si aan dembi loo gelin, isla markaana quraan badan la akhriyo. Ilaahayna waxaan ka  baryaynaa in uu bisha barakaysan inoo naxariisto, dembigeenana uu dhaafo oo uu naarta inaga xorreeyo. Marka la ducaysanayana waxaan soo jeedinayaa in lagu daro ducada Illaahayow arlada aanu degganahay noo aslixi, naguna cisee dambi dhaafna noo same. Waxaa ina soo food saaray oo aynu la kulanay dunuub badan oo ilaahay inaga jarayo haddii aan la toobad keenina Ilaahay siyaalo badan oo aynaan fahmi karayn ayuu inooga jarayaa dambiga. Sidaa awgeed, waa in laga toobad keeno. Anigu bishan waxaan ku soo dhawaynayaa qasiidadan qiimaha weyn leh eek u haboon soo dhawaynta Ramadaan:-

Naftu waa amaanoo ma ilaawo mowdkuye, Qabri lagu adkeeyiyo Awaaraa sugaayee, marka lagu amsiiyee lagu aaso ciidana, Malaa’iigtii Iilkaa imtixaami doontee, Illaahow na garansii qawlkii Ambiyada, adduunyadu haddii ay aayo leedahay, ama uu ifkani yahay aqalkii runta ahaa, kii loo abuuraa intifaacsan laaye, sidii ay Abaahurayriyo weyieen Axsaabtii, ayaamuu ka qadi jiray dhuunigiyo oontee, dhegta maqashay eedaan waa Allaa ashtakeeyee, ogobey Salaaduna waa faral addoonkiyo Illaahay u dhaxaysoo waana adhaxda diintee.

Qawlkii Illaahay Araxmaan siday tidhi axadkii la baray iyo kii loo akhriyayow, adoon maqashay caasiga  aargudashadiisee , ololkii Jaxiimiyo uubaha ka yaaboo, ha ayidin Iblayskee ka adkow naftaada. Ma ogola Arwaaxdani amarkii Rasuulkee (CSW) kii Aadam diidaa ku ugaadhsanaayee, inuu seejo aayaha axdibuu ku qaadoo, ehelo –naarku waa u nacab ruuxii islaamoo, Eebbada laciinkuna Qul-acuudi weeyee u irkada Rasuulka.

Aadmigu itaal male waana udub dhacaayoo, kii itaalku faanana Israa’iil ma daayee, nina aabihiiiyo lama raacsho ubadkee, waxa lagu egaadaa edeggii xabaashoo, waana aqal madowoo agaraadam weeyee, istiqfaarta Eebiyo camalkaa ileysee. Insigiyo Jimkow maqal wuxuu yidhi Illaahay abuurtiinu waxay tahay waa adoonsigaygee, waan idin amaanoo aadmigu wuxuu galo Iqra iyo Watiiniyo Albaqrana ku sheegoo, Umad kastaba Nebibaan amarkawgu dheebee, siduu yahay usuulkiyo ku akhriyey kitaabkee, dhegihii la awdaan aayaadku deeqine, Erey lagu dhawaaqoo afka laga yidhaahdaa, Albaabada Fardawsiyo Iriday ku qorantee, Cirka aynu aragniyo Aradkay ka culustoo ashahaata oo dhaha Laa Illaaha Illalaa. Ayaantiiba boqol jeer axadkii yidhaahdaa, amaanada intuu sido kuma iisho dunidee. Aafaadka dunidiyo ma asiibto beladuye, Aakhrina naartaa Alle kala xishoodee, ashahaata oo dhaha Laa Illaaha Illalaa. Ummadyahay umuuraha Illaahay, cirka  biro adkeeyiyo udbo looma  yeeline, Amarka uu ku joogaa waa iraadadiisee, haduu aadmi tahli karo ama loo yeelo amar Abaajahal, Nabruud iyo Fircoonbaa aflixi lahaa.

Sida aad ogtihiin cidii ka leexata dariiqa Illaahay siduu doono ayuu u ciqaabayaa oo uu u abaal marinayaa. Sida aanu Illaahay inoogala tashan markii aynu dhalanaynay, ama marka aynu dhimanayno ayaanu inoogala tashanayn sida uu inoo ciqaabayo if iyo aakhiroba.

Anigu sida aan aaminsanahay waxa jira khaladaad in badan is dul tuulmay oo aynu galay. Qawaacidka u yaala adduunkan ee Illaahiga ahna, waxa ka mid ah; qofkii khalad yar sameeya, sabankan la joogo simbiriirixo aanu ka soo noqonayn ayaa ku dhacaysa, sidaa awgeed, waa in la is dhowro. Sida ay culimadu sheegeena saacadihii yoomal qiyaamuha ee yar yaraa way dhammaadeen kuwii waaweynaa ifafaalahoodii ayeynu arkaynaa. Allahna wadada toosan ha inagu hanuuniyo toobadana ha ina garansiiyo.

Comments are closed