|

Xaflad Balaadhan oo Lagu Xusayo Munaasibada 26 June oo Caawa ka Qabsoontay Qasriga Madaxtooyada Iyo Nuxurka Khudbadii Madaxweynaha

Hargaysa 25.June 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Caawa Qasriga Madaxtooyada lagu qabtay Munaasibad la Xidhiidha Xuska 56 Guuradii ka soo Wareegtay Markii ay Jamhuuriyadda Somaliland Xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska.

xuska 26 JuneMunaasibadan Qaran Waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Shirgudoonada Golayaasha Qaranka,Madax ka Tirsan Xisbiyada Qaranka,Mas’uuliyiin iyo Marti Sharaf kale.

Waxaa Munaasibadaas lagu Soo bandhigay Taariikhda Somaliland ee Xiligii Ingiriiska iyo Markii Somaliland ay ka qaadatay Gobonimadeeda Boqortooyadii Ingiriiska 26 Bishii June 1960,Waxaana Madashaasi Khudbado ka soo Jeediyey Hal doorka Bulshada Somaliland ee Goob Jooga ahaa Maalintaas qiimaha ku leh Shacabka Somaliland ,Waxaa kale oo la is Hoga Tusaaleeyay Halgankii ka dhashay Midnimadii Shuruud la’aanta ahayd ee dhex martay Somaliland iyo Somalia oo Sababay Xasuuq baahsan oo loo gaystay Shacabka Somaliland,Burbur laxaadleh oo Ciidamadii Somalia kula kaceen Magaalooyinka Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka Jeediyey Xuska Maalinta Qaran ee 26 June Waxa uu sheegay in Midowgii dhex maray Somaliland iyo Somalia uu Mugdi geliyeya dhamaanba Himilooyinkii ay Higsanayeen Shacabka Somaliland Waxaanu Xusay in Khaladkaas la Saxay 18 May 1991kii ,Isla markaana ay Somaliland si Buuxda ula soo noqotay Madax bannaanideedii, Waxaa kale oo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu Beesha Caalamka u soo jeediyay inay Garwaaqsadaan Xaqa ay Somaliland u leedahay aayo ka tashigeeda Isla markaana lagu abaal mariyo Wixii ay Ummada Somaliland qabsatay Mudadaas Rubuc Qarniga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Waxaa kale oo uu Bulshada Caalamka Xasuusiyey inaanay Somaliland Qayb ka ahayn Madasha wada tashiga ee Somalia iyo Doorashooyinka dalkaasi ka qabsoomaya Sannadka soo Socda Isagoo intaas ku daray in Somaliland ay heegan Buuxa u tahay Difaaca Qaranimadeeda .

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ugu baaqay dalka Ingiriiska inay muujiyaan hogaamintooda, isla markaana dib u soo celiyaan aqoonsigii ay Somaliland  siiyeen sannadkii 1960-kii, kuna booriyaan wadamadda kale inay ku deydaan. Aqoonsiga Somaliland waa qaaditaanka tallaabadii saxda ahayd, waxaanay Somaliland ka taageeri kartaa Ingiriiska amaanka gobol xaaladiisa amaan halis tahay,kaas oo dan u ah Mandaqada Geeska Africa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Waxaa kale oo uu baaq nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ah ee Shaqaqada Gacan ka hadalka ahi ku dhex martay deegaanka dharkeyn geeyo ee Koonfurta Gobolka Sool Waxaanu ka dalbaday inay u dhego nuglaadaan Ergooyinka Nabadeed ee Deegaankaasi ku Sugan waxaa kale oo uu Madaxweynuhu Labada Ardaa ee Xurguftu dhex martay ka dalbaday in Wada hadal lagu dhameeyo Wixii ay kala tabanayaan.

Source Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Qurbejoog.com 

Comments are closed