|

Falastiin oo loo ogolaade in ay Korjooge ka noqdaan Qaramada Midoobay

New York Nov 30, 2012 (SDN)—Gollaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Cod Aqlabiyad leh ku Ansixiyay in Falastiiniyiintu ay ka mid noqdaan dowladaha Korjoogtada ka ah Qaramada Midoobay, talaabadaasi oo ay aad uga soo horjeedeen Maraykanka iyo Israel.

Qaraarkan ayaa waxa u codeeyay 138-dal ka tirsan golaha guud ee Qaramada Midoobay halka 9-dal oo ay hogaaminayaan Maraykanka iyo Israel ay ka soo horjeesteen in Falastiin ay Korjeege ka ahaato Qaramada Midoobe.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabas Abu Masin oo codeynta ka hor hadlay ayaa waxa uu u sheegay golaha guud ee Qaramada Midoobay in cod qaadistani ay tahay fursadii u danbeysay ay lagu bad baadinayo xalka labada dal.

Safiirka Maamulka Israel u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in talaabadani ay dib u dhigeyso geedi socodka Nabadda Bariga dhexe iyadoo sidoo kale Maraykankuna uu sheegay in arrintani ay tahay mid nasiib daro ah.

Dhanka kale Boqlaal Falastiiniyiin ah oo soo dhaweynaya talabadan ayaa dabaal dagyo ka dhigaya wadooyinka Magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed.

    

SDN- New York

Comments are closed