|

Mashaariic kordhiyay qiimaha Xoolaha Somliland oo ay FAO hirgelisay

Hargeisa Nov 30,2012(SDN)-Hay’ada Qaramada Midoobey u qaabilsan Cunada iyo Beeraha ee FAO ayaa mashruuc ay ka hirgelisay Somaliland waxa uu kor u qaaday qiimaha xoolaha.

Mashruucan oo ay maalgeliso dawlada Britain ayaa looga iibsadaa xoolo dhaqatada qeybaha aan la cunin ee xoolaha maalin walba Somaliland lagu qalo.

Lafaha,Haraga iyo geesaha ayaa dad la tababaray waxa ay ka sameeyaan qalab ay ka mid yihiin Shanlo,Kuul iyo Koobabka Ubaxa lagu gurto.

Sidoo kale Dhuuxa xoolaha ayaa waxa dadkan la tababaray ay ka sameeyaan Saabuunta noocyadeeda kala duwan.

Cabdi Aw Dahir oo ah wasiirka Xanaanada xoolaha ayaa sheegay in mashruucani kolkii u horeysay uu gaarsiiyay qiimaha xoolaha heerkii ugu sareeyay.

“Isticmaalka lafaha xoolahu waxa ay ku biiriyeen qiimaha neef walba 30-60%,mashaariicdanina waa qaar ka saaraya dadka saboolnimada”ayuu yiri wasiirku.

Joan Reid oo ah madaxa Hay’ada horumarinta caalamka oo maalgelisa mashruucan ayaa sheegtay in mashruucan oo loogu magac daray SEED qeybtiisii hore uu guul ku dhamaaday,haatana la balaarinayo.

“Mashruucani waxa uu muujiyay in Somaliland oo degaanini ka jirto laga hirgelin karo suuq ganacsi oo baaxad leh,qeybtii kowaad ee mashruucu waxa uu muujiyay in qalab lafaha laga sameeyo la sooqgeyn karo,qeybta labaad ee mashruucuna waxa uu diirada saari doonaa sidii hargaha looga sameyn lahaa waxyaabo shidaalku uu ka mid yahay”ayay tiri Joan Reid.

Si kastaba ha ahaatee waxa aad moodaa in mashruucani uu yahay kii u horeeyay ee noociisa ah ee lagu suuqgeynayo badeeco aan cidi hore u suuqgeyn jirin.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed