Uncategorized

Fanaankii Waynaa Ee Maxamed Axmed Kuluc Oo Maanta Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

Hargaysa 17Jan15(SDN/QJ) Fanaankii caanka ahaa,ee adka  looga yaqaano dalalka luuqada Af-somaliga lagaga hadlo Maxamed Axmed Kuluc ayaa goor dhaweyd ku geeriyoodey Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa.

Kuluc ayaa la sheegay inuu u geeriyoodey xanuun xagga neefsiga iyo Sanbabada ka haleelay oo uu dhawrkii sanadood ee u danbeeyayba la tacalayey,Cusbitaalo dhawrana u galay.

Marxuumka ayaa maalmahan yaalay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa,halkaas oo uu  goordhaweyd ku geeriyoodey sida heshay shabakada qurbejoog .com . dhamaan shaqalaha iyo warfiyeenada qurbejoog ee qarada aduunka waxaan tacsi u diranaa dhamaan qarabadii iyo eheladii u ka geeriyoday marxuumka.

Alla ha u naxariisto marxuum maxamed Axmed Kuluc Qoyskii,Eheladii iyo Qaraabadii uu ka tegayna Samir iyo iiman ha ka siiyo..Aamiin.