Garowe 13.October 2013 (SDN)- Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis ayaa ka hadashay maanta muran labadii maalmoood ee la soo dhaafay soo kala dhexgalay iyaga iyo dowladda Puntland oo ku aadanaa fariin siyaasadeysan oo dadweynaha Puntland mobiladooda gacanta ka haleen.
Shir Jaraa’id ayay ku qabteen madaxda Golis magaalada Bossaso waxana ka soo qaybgalay maareeyaha guud Aadan Shiikh Doon iyo Faarax Xaaji Mire oo madax ka ah xariirka dadweynaha oo raaligelin ka baxshay fariintan muranka dhalisay.
‘’Waxaan raaligelin ka bixineynaa fariin dadweynaha si khaldan ugu soo dhacday taleefanadooda, dhankayaga maahan , dibadda ayuu ka soo galay, Golis laguma aqoon inay khalkhalgeliso nabadgelyada’’ Ayuu yiri Faarax Xaaji Mire.
Waxa uu sheegay Faarax in la xaliyay murankii soo kala dhexgalay Dowladda Puntland iyo Maamulka shirkadda Golis oo ku aadanaa fariimaha dadka u soo dhacay, isagoona sidoo kale raacshay inay wadaan baaritaano ku aadan halka laga soo diray fariimahan.
Maamulaha Golis Aadan Shiikh ayaa isguna beenshay in shirkadu lacago ka qaadatay dowladda Federaalka Somalia taasi oo uu xusay in dacaayado laga sameeyay shirkadda.
Hadal haynta kowaad ee Puntland ayaa ah fariimahan dadka u soo dhacay, iyadoona horay saxaafada Puntland go’aan mideysan ay gaareen inay sii dayntooda.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com
