|

Farmaajo Sidee Buu Ku Noqon Karaa Urdugaanka Soomaalida W/Q (Idiris Tooxyare)

Waxa aan dareensanahay dareenka shacabku ay u muujiyeen dal iyo dibaddba doorashadda la doortay madaxwaynaha Soomaaliya mudane maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Astaamaha hoggaamiyaha wanaagsan lagu garan karo waxa kamid ah

 

B: Daacadnnimo inuu ku qaabilo shaqadda hor taala oo aan fududayn iyo waliba kala horraysiinta shaqaddu sida ay u kala horrayso oo aad u waajahdo.

 

T: Maamul daadajin aad ku samayso dadka aad xilalka u dhibayso, iyo kalsoonida aad ku qabto qofka aad xilka u igmatay oo aad si  kalsooni ku dheehaan tahay ku qaabila shaqadda, iyo inuu u madaxbanaannado shaqadda u

hayo.

 

J: Khibraad intee leeg buu u leeyahay qofka xilka loo magacaabayo, sidee buu u fahansan yahay shaqadda loo igmaday qofku, iyo sida oo kale carqaladaha hortaagani inta ay leeg tahay qofka xilka loo magacaabay?

 

Kh: Xukuumad kooban, oo tayo sarraysa leh, iyo dad cilmi u leh hawsha aad u dirayso.

 

D: Dhismaha ciidamadda qalabka sida oo aad ugu hagar baxdo lagactooda, raashinkooda, caafimaadkooda, iyo tayayintooda qalabyada, iyo cilmigooda oo aad ilaaliso, amma aad kor u qaadiid markaste, si ay u ilaaliyaan taatiikadooda ciidinnimo kuwa soomaalida.

 

R: Saamiga beelaha kala duwan oo aad si siman ugu qaybiso hab maamul goboleed aad ku daajiso.

 

S: Saamiga beeshadu ha caddado oo haka sarraysiin beelaha kale hanna duudsiyiin xaqoda ay ku leeyahiin dalka waliba; ha marin dariqii Adeerka siyaad Barre marayay soomaaliya oo aad ogtahay dhibta uu u gaystay, iyo kala irdhinta bulshadda soomaalida, si khaas ah indho gaar ah u yeelo dadka uu u gaystay dhibtooyinka sida #Soomaalilaan dhay nabaraadda, iyo xanafta siyaasadeedna ka dhawr; u samee xilal ka badan kuwa dadka kale aad siinayso gobolada dalka ee kale, soo dhawayn ka badan u samee iyaga, oo ah soomaalilaand.

 

 

Sh: Arrimaha bulshadda oo aad u samayso tayayn sidaa Caafimaadka, Waxbarshadda, biyaha, korantadda, iyo kor u qaadiida deegaanka oo ay dhib badani ka jirto. Sidaa dhuxul shidiida oo samayn aan fiicnayn ku samaysay sida roob yaran, biyahaa oo jeexa dhulka oo samayn togan ku yeesha waxsoosaarka beeraha, iyo xoolaha  oo aynnu ku tirsanahay ka soomaali ahaan?

 

NB; waa maqaalkii ugu horreeyay ee aan siyaadda ka qoro, ama ba ugu horreeyay ee aan qoro ee Ku soo baxa mareegaha wararka. Waxa ay anfacaysa dhammaan qofkasta oo siyaasada, iyo hoggaaminta jecel oo soomaali ah gobolka u doono haku nooladee.

 

W/Q: Idiris Muxammad Muxammuud ( Idiris Tooxyare)

HARGEYSA, SOOMAALILAAN.

Comments are closed