|

“Xukuumadda Waxaanu Leenahay Talooyinka (Sicir-bararka) Waxa Ku Dhex Jira Dad Ay Ka Mid Yihiin Kuwii Hore Ee Dhibta Geystay….” Sh. Aadan-Siiro DAAWO

Hargaysa 10. February 2018 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Go’aannada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka soo saartay Sicir-bararka Lacagta Dollarka iyo hoos u dhaca Shilinka Somaliland.

Sheekh Aadan-Siiro ayaa sheegay inay taageersan yihiin Dedaallada Xukuumaddu wax kaga qabanayso Sicir-bararka, laakiin uu kula talinayo in Go’aannadeedu noqdaan kuwo Caddaalad ah oo aan Cid gaar ah dhibaato ku keenayn.

Sheekha oo Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Arrimo badan oo ay ka mid yihiin Talo-saarashada ILLAAHAY, ayaa isaga oo ka hadlaya Sicir-bararka iyo Go’aannadii Xukuumaddu ka soo saartay dhawaan ayaa yidhi “Go’aannada imika laga qaatay Sicir-bararka waxa la leeyahay Dad baa awood ku leh iyo saamayn, taasoo keenaysa inay Dad badan waxyeesho, markaa waxaanu leenahay Dalkan yar waa loo soo shaqo tagay ee Go’aannada aynu qaadanayno yaanay noqonin Go’aamo Cid Awood ku leedahay, Xukuumaddana waxaanu kula talinaynaa Cadaaladda inay sugto.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay “Waxaynu nahay Dadka Dawladda ku taageersan in Sicir-bararka la joojiyo (wax laga qabto), laakiin yaanu noqon Mid Cid gaar ah waxyeelaya ama yaanu noqonin mid taladiisa Cid gaar ah oo dan fog lihi ay wax ku leedahay.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inay muhiim tahay in Guddiga la dagaalanka Sicir-bararku sheegaan Cidda ka masuulka ahayd Sicir-bararka ama sababtiisa lahayd “Waxaan jeclaa Maalintii dhawayd ee ay hadlayeen (Guddiga la dagaalanka Sicir-bararka) inay yidhaahdaan Xukuumaddii hore ayaa ku lahayd Awood, Waayo? Lacagteenii ayaa la soo daabacay markaas ayaa Nin Dollar ka dhigtay, waalla soo daabacay haddana Dollar baa laga dhigtay.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Marka Lacag soo daabacayo waxa soo daabaca Guddi uu Hoggaaminayo Baanka dhexe, waxaana loo soo daabacaa baahi Dalku leeyahay, laakiin ma waxaad aragtay Lacag ay Koox soo daabacday, dabadeedna Dollar ka dhigto oo ay Sicir-barar samayso.”

Sheekhu waxa kale oo uu yidhi “Ninkii Maalinta dhawayd sida Cilmiga ah uga hadlay (Sicir-bararku) muu sheegin halka Sartu ka qudhuntay markii hore, sida Dadkii soo daabacay Lacagta iyo Dadkii qaatay, khaladka haddaad Masaakiinta saarto dhibaatadeeda ayay leedahay, Waayo? sidii loo soo daabacay iyo sidii loo isticmaalay waalla hayaa iyadoo Dhukumanti ah.”

Ugu dambayn, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu talooyin u soo jeediyey Xukuumadda cusub ee Somaliland “Xukuumadda cusub waxaanu leenahay talooyinka (wax lagaga qabanayo Sicir-bararka) waxa ku dhex jira Dad badan oo ay ka mid yihiin kuwii hore ee dhibta geystay, markaa waxaanu leenahay Xukuumaddu ha iska shaandhayso Talooyinka (Xallinta Sicir-bararka)..”ayuu yidhi, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro).

Comments are closed