|

Fashil ku Yimi Qabashada Carwadii 6-aad ee Somaliland oo Markii Saddexaad Dib Loo Dhigay

 

Hargeysa:1-Dec-2013(SDN)-Rugta Ganacsiga somaliland, ayaa tahli kari la’ inay qabato Carwadii Ganacsi oo loo Ballan sanaa  inay Maanta ka furanto Magaalada Hargeysa.

rugta fashilBandhigga Carwadan ayaa markii sadexaad  dib loo dhigay, iyadoo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiguna ay wali Dib u sii dhigayso qabashada Carwadan oo haatan u eg mid fashilantay

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Shugri jaamac oo laga Surugta-ganacigaHargeysa(Somaliland.Org) Rugta Ganacsiga Somaliland iyadoo tix gelinaysa codsi uga yimi xubnaha guddida fulinta waxa ay Carwadii Lixaad u riixeen munaasibada sanadka cusub ee 2014-ka.ayey inuu Maanta si Rasmi ah u qabto Carwadii lixaad oo haatan ka hor laba jeer dib u dhacday uu qabto, ayaa imikana tilmaamay inaanay suurtogal ahayn in carwadaas la qabto isagoo  sheegay inay sababo macquul ah dib ugu dhigeen.

 

Carwadan oo sanad walba ay ka qaybgalaan ganacsatada waaweyn ee dalku, islamarkaana ay halkaas ku kasbadaan macaamiil aad u badan, ayaan sanadkan dhammaanaya markii ugu horraysay Qabsoomayn, waxan uu Guddoomiyaha Rugtaasi soo saaray Qoraal Nuqul ka mid ahi soo Gaadhay Qurbejoog.com, oo uu ku  faahfaahinayo cudurdaarro  sababay dib u dhacaasi.

Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-“Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Beeraha Somaliland Somaliland waxa ay ganacsatada iyo Dadweynaha Reer Somaliland ee Xiisaynayey in ay ka qayb qaataan Carwada Ganacsi ee Lixaad ee furmi lahayd 1-12-20013 ku wargelinaysaa in Codsi uga yimi xubnaha guddida fulinta ee Rugta Ganacsiga darteed dib loogu dhigay munaasibada sanad guurada sanadka cusub ee 2014-ka, taasoo dhici doonta isla maalintaas oo ku beegan 1-1-2014 oo ah maalin Arbaca ah.

 

Sidaas darteed, Rugta Ganacsiga Somaliland waxa ay markale ka codsanaysaa dhamaan Ganacsatada iyo Dadweynuhuba in ay mudadaas ku diyaar garoobaan isla markaana diyaarsadaan wixii ay u baahan yihiin.”

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed