Uncategorized

Film ka hadlaya Burcad badeeda Soomaalida oo la soo bandhigay isla markaana ku guuleystay tartan

Los Angels Sept 06,2012(SDN)-Film dhawaan laga sameeyay Burcad badeeda Soomaalida oo la yidhaado “Fishing Without net” ayaa waxa uu ku guuleystay kaainta kowaad tartan loo qabtay aflaam dhawr ah oo lagu soo bandhigay carwo la yidhaahdo Aflamta Gaagaaban.

Filmkan oo ka hadalaya xaalada Burcad badeeda Soomaalida khaasatan noloshooda iyo marxaladaha ay ku jiraan ayaa si weyn loogu amaanay sida hufan ee uu sawirka filmku uga bixinayo Burcad badeda.

Ninka Filmka sameeyay oo la yidhaahdo Michel Satter ayaa la gudoon siiyay abaal marino lacago iyo qalabka aflaamta lagu duubo.

Abaalmarintan ayaa loogu talo galay in soosaaruhu uu u isticmaalo in uu ku soo bandhigo ama ku sameeyo filimo kale.

Ma aha markii u horeysay ee film laga sameeyo Burcad badeeda Soomaalida ee waxa hada gacanta lagu hayaa film laga sameynayo afduub dad Mareykana ku dhinteen oo si weyn loogu hawlan yahay.

Dunida ayaa aad ula fejacsan waxa Soomaalida badda ka qawleysata ku khasbay noloshaasi iyo sida wax looga qaban karo.

SDN-Los Angels
contact@somalidiasporanews.com