Hargaysa 01.Dec 2014 (SDN)- Hanti-dhawraha guud ee qaranka Md. Maxamuud Aw Cabdi (Maxamuud Dheere) ayaa caawa shaaca ka qaaday inay magaaladda Hargeysa ku qabteen dhawr gaadhi oo kuwa dadweynaha ah oo loo sameeyay Taarikada Somaliland oo been abuur ah.
Hanti-dhawraha Guud oo maanta u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta waxa uu sheegay inay qabteen Gaadiid lagu xidhay taariko been abuur ah oo loo sameeyay.
Maxamuud Dheere waxa uu intaas ku daray in darawaladii baabuurtan oo ay iyagana qabteen ay xidhan yihiin isla markaana ay u gudbin doonaan dacwadooda maxkamadaha si loo mariyo ciqaabta sharci ee sida uu tilmaamay jariimada ay galayso.
Hantidhawruhu waxa uu uga digay cidii lagu qabto fal noocan oo kale ah laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
Geesta kale Hay’adaha Ilaalinta amniga ayaan ka Hadlin Gaadiidkan uu Hanti dhawruhu Sheegay inay Soo qabteen taas oo Muujin karta Habacsanan Maamul inay ka dhex jirto.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
