|

“Gabadh Aroos Walba Ka Heesi Jirtay Baa Maalintii Dembe Iyada Lafteedii La Aroosay, Dabadeed Intay Arooskeedii Ciyaar Ka Booday Bey Tidhi…….” Xil. Bashiir Tukaalle

Gebiley 27. May 2017 (SDN/QJ):- Xil. Bashiir Sh. Xuseen Tukaalle oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland eekasoo jeeda gobolka Gabiley ayaa sheegay in xisbiga WADDANI oo uu saraakiishiisa sarsare ka mid yahay uu tan iyo aasaaskiisii cudud xooggan ku lahaa gobolka Gabiley oo uu ku tilmaamay in aanu la’aantii saaxadda axsaabta kamid noqdeen xisbigu.

 Xil. Bashiir oo khudbadka jeediyey xaflad uu xisbiga WADDANI magaallada Gabiley ugu qabtay taageerayaal ku soo biiray oo la sheegay in ay kasoo digarogteen xisbiga talada haya ee KULMIYE waxaa uu difaacay xuquuqda siyaasiga ah ee uu musharraxa ku xigeenka madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Maxamed Cali Aw Cabdi ku leeyahay gobolka Gabiley iyo cududa taageero ee uu ka haysto deegaankaas iyo deegaannada kale ee dalkaba, isaga oo Mr. Tukaalle meesha ka saaray hadallo uu ku dooday in hore looga faafiyey gobolka Gabiley kuwaasi oo sawir ka bixinayay in cududa taageero ee gobolkaas iyo codka shacbigiisuba ay xisbiga talada haya kooto ugu xidhan yihiin, waxaana dooddaas ku tilmaamay mid jaban oo aan laga run sheegin, taas bedelkeedana uu reer Gabiley warkoodu cad yahay.

“Maanta runtii waxa aad cadayseen hadalkii beenta ahaa ee Gabiley cidbay u xidhan tahay, Gabiley cidna uma xidhna oo waydinkaa cadeeyey” sidaas ayuu yidhi Xil. Bashiir Tukaalle oo khudbadiisu u badnayd goolli-baad abaarteedu ku socoto madaxda xukuumadda iyo xisbigeeda, waxaana uu intaa ku daray isaga oo sheeko-duur-xul ah ku hal qabsanaya “beri baa waxa jirtay gabadh aroos walka ka heesi jirtay, dabadeed maalintii dembe ayaa iyadii la aroosay kadibna inta ay arooskeedii ka booday bay ciyaartay oo waxay ku heestay…” buu yidhi xildhibaanku “Awalba waan qalaadinayee, maantana waa qudhaydii”.

“Waxaan uga socdaa musharrax ku xigeenka xisbiga WADDANI waa nin reer Gabiley ah, xisbigan WADDANI markii lagu dhawaaqay cidii soo saartay waa reer Gabiley, Gobolka Gabiley la’aantiina WADDANI muu jireen”.

Ayuu yidhi xil. Bashiir Sheekh Xuseen Tukaalle, waxaanu intaa ku daray farriin ka dhan ah loollanka uu xisbiga WADDANI ugu jiro sidii uu kalsoonida reer Gabiley uga kasban lahaa xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi “ Sidii halkan laga sheegay waynu naqaannaa KULMIYE, reer Gabileyna waxaan leeyahay codkiinii maanta ayaad gacanta ku haysaan oo aad ku aargoosanaysaan, waayo Gobolka Gabiley waxa magacaabay Daahir Rayaale Kaahin, laakiin xisbiga Kulmiye wax ansixin ah lagama hayo, waxa aad og tihiin warqaddii gobolnimada Gabiley ee Madaxweyne Siilaanyo loo gudbiyey ee lagu yidhi Gobolka Gabiley shuruuddii wuu buuxiyee degdeg u soo gudbi, weli lagama hayo dhinaciisa oo waxay immika maraysaa in ka badan lixbilood. balse haddii aanu Waddani nahay waxa aanu balanqaadaynaa in gobolka Gabiley talaabada ugu horaysa ee aanu qabanayno ay tahay Gobolnimada Gabiley” ayuu yidhi Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale.

Comments are closed