|

”Gabooyaan la hadlayaa,Waxaan Door Biday In Aan Adiga Kula Hadlo Halkaan Ku Daali Lahaa Duul Iyaguba Aan Naf Isu Hayn Oo Qabyaaladu Ka Adkaatey! Cabdi Kariin Axmed Mooge

Hargaysa 27. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiir Ku Xigeenkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane C.kariin Axmed Mooge ayaa Qoraal uu Ku Faafiyey Degelka uu ku Leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook Wuxuu Si Gaar ah ula Hadlay Beesha Gabooye oo inta badan lagula Kaco Xadgudubyo ka Hor imanaya diinteena Suuban ee Islaamka.

 ‘’Iyadoo awalba aad la noolayd takoor, faquuq, quudhsi iyo noockastoo hayb-sooc ah, hadana dhacdadii ugu danbaysay ee ka dhacdey Somaliland, waxay ii hor keentay dulmiga lagugu hayo baxaada uu le’egyahay, waxay igu kicisay hirtaanyo weyn, waxay gilgishay dareenkayga.

Kamaan aamusin dulmiga ku haysta lakiin waxay igu qaadatey maalmo sidaan uga jawaabi lahaa! Waxaan door biday in aan adiga kula hadlo halkaan ku daali lahaa duul iyaguba aan naf isu hayn oo qabyaaladu ka adkaatey!

Dadka kama yarid, gobol walba waad degtaa oo xaafad la yaqaan baad ku leedahay, waxaad tahay sancoole ama farsamo yaqaan, qurbaha waxa lagu jooga magacaaga, waxa kaa dhashay kuwa ugu magaca weyn fanka Soomaalida, hadana meel kasta oo Soomaaliyi joogto waad ku dulmantahay waayo waad kala-daadsantahay oo xuquuqdaada ma doonatit, xiliga doorashada isma dooratit ee codkaga kuwa ku dulma ayaa ku doonta kuraasta sidaas baana maanta golayaasha qaranka aanad ugu lahayn xildhibaano suuro galna ma’aha in dadka gabooyuhu soo saari kari wayaan ugu yaraan hal xildhibaan golayaasha deegaanka ama wakiilada!

Waxaad leedahay qaar xuquuqdaada u dooda anoon ku koobayn aan ka xuso Suldaan Daakir, Boqor Ahmed Iimaan, Suldaan Naasir Suldaan Abdi, Siyaasi Barkhad Jama Batuun, koomishanar Libaan iyo qaar kaloo badan lakiin waxay u baahanyihiin in aad garab joogsataan.

Dhexdiinana waa in aad midowdaan si aad u donataan xaquuqdiina idiinko isku duuban waayo intaat kala qaybsantihiin dhexdiina wey adkaanaysaa in aad dulmiga iska xoraysaan.

Waxaynu u baahanahay in aan kor u qaadno aqoonta waayo aqoontu waa ta idinka xorayn karta dulmiga siday u xoraysay ummado badan oo dulmigan maanta idiin haystaa soo haysan jiray. Waxaynu u baahanahay in aan kor u qaadno farsamada, horumarino xirfada timo jarida iyo abuuritaanka ganacsiyo yaryar si aan kor ugu qaadno dhaqaalaha bulshada gabooyaha.

Waxaad ka midtihiin qarankan, waxaad leedihiin xaquuqkasta oo dastuurku siiyay muwaadiniinta lakiin dulmiga laydinku hayo ayaa dib idiin dhigay, waad quusateen ilaa aad gadheen in aydaan qarankanba ka mid ahayn, waxaad iska ogolateen in aad ku noolataan nolosha Daami taal ee hadii ay jirto madax damiir lihi ka damqan lahayeen.

In aan quusano ma’aha waa in aad is abaabushaan oo codkiina kor u qadaan si aad u soo dhacsataan xaquuqda idinka maqan ee dastuurku idin siiyay……………

Qoraal kale iyo inta iga dhiman.

Comments are closed