|

gabaygii cuyub, waxa curiyay maxamed yaasiin maxamed ikacase

dadkii  soo joogay jabkii iyo halaagii dagaaladii 1988kii ay ugu qaxeen itoobiya dabadii iyo wadanka la soo galay rafaad siyaado ah ayaa waxaa iyana mar labaad qabsaday mid labaad oo aanay mar keliya ka filayn inuu ku dhaco kaas oo ay abaabuleen siyaasiyiintii markaa dadka horjaagaha u! ahaa taasoo aan dagaaladaa aad uga xumaadan iyo sifaha ay u dhacayaan,kuwaasoo si isdaba joog ah uga bilaabmay magaalooyinka burco berbera hargaysa iyo meelo kale oo badan markaasaan curiyey gabaygan waana kan hoose

  1. Cuyub gigantayl caynaankan go’an taladan gowdiida
  2. Garkaa iyo garkaa sheekadaan gees u bixi wayday
  3. Ee gogosha diidiyo fadhiga gar iyo dawgeeda
  4. Ee gulufka loo wada hinqaday waa tu gooniyahe
  5. Gurxan beena goolaaftan iyo gumuc hed aan goynin
  6. Gondohoo rasaas lala dhiciyo guudka iyo baalo
  7. Iyo wuxuu gucluhu meeri jiray garasho waayeele
  8. Ma maantaa gantaalkii wadnaha gooyay hanaqayga
  9. Ma hilbahaygii baa haadku gigay gees kastaba yaala
  10. Ma kuwaan u duur galay dhibkana aan u golosoobay
  11. Ee aan u guudmeer ahaa inaan ka guud qaado
  12. Nacabkii gilgilayaan anigu adhaxda aan gooyay
  13. Kuwii shalayto gaashaanka iyo garab ahaa xoogle
  14. Ishinka iyo goolkiyo adhyaha lo’ iyo geelooda
  15. Kuwii huray gasiinkooda een guunyo tacabaynin
  16. Ee gargaar wixii loo holado gadayey taagtooda
  17. Guno iyo itaalkood kuwii meel isugu geeyey
  18. Ee gumuca kii helay ka kale ugu gargaaraayey
  19. Ee aan gooni iyo goobo iyo kala ahayn geedo
  20. Gacalkii midaysnaa miyaa maanta kala guuray
  21. Oo ay qoloba hayb gaara iyo guuto qalabaysay
  22. Ma dadkii gudoodiga la miray gadashadoo raadle
  23. Ee gadiid badheedh loogu dilay lana gumaadaayey
  24. Gabashii hablaha lagu dhigiyo gaari iyo hooyo
  25. Ee weliba gogol dhaafka layd laguna gaadiidshay
  26. Wax gunimo ka wayn baanan arag tii laynoo galaye
  27. Nin gumaysigii faalso ogi wuu ka guban laaye
  28. Gama’ iyo markaan jiifka iyo gogosha diidaynay
  29. Gocashada lurkeediyo markaan ciil la gubanaynay
  30. Ee aan ku wada gaadhanayn hubabka gaashaaman
  31. Guluf iyo colaadii markay curatay guusheenu
  32. halkii aan gargaar filayey iyo Guule loo mahadsho
  33. Ubadkii miyuu goohayaa oo la gabay beesha
  34. Ma gedii afwaynaa bulshadi loo galaa bixiyey
  35. Raqdan haadku gigayiyo lafahan galayax aad moodo
  36. Waxan geesi iyo hanaqaad god galay gabanadaa hoobtay
  37. Asay gabadhan qaadiyo ilmahan gebi agoomoobay
  38. islaamahan goblamay maadidaa waxa la gaadhsiiyey
  39. Ee Gaariyow loo wanjalay yaa gar marindoona
  40. Shalay godolki maandeeq inay gaagax tahay maanta
  41. Gayaxaysantahay oo aan gorof laga gangaamaynin
  42. Oo ay gabnowdaan Gadhlow muran ka guuxayne
  43. Waxa gabay haleeladan tolow yaa garmarin doona
  44. Gobanimadan xirjiruhu guntamay dhiig u galacleeyey
  45. Calankaa gucliyo raacdo iyo geeri lagu keenay
  46. Oo aan u garab beelayoo aan u gacal waayay
  47. Inay noloshu gaylgaylantoo nabadu goofowdo
  48. OY gudhan xaqiiqdii tagtaa ma ay gudboonayne
  49. Cabashada Hadraawooy geyiga yaa garmarin doona
  50. Shilke guuxay suugii gurxamay ganayey leebkiisa
  51. Baroonkii godladay garaabiiga iyo sebenki go’wleeyey
  52. Siikaawihii gaydhamiyo guda yarow jiibka
  53. Gowdii jikraha bii emkiyo gubashadii rayska
  54. Ceebtii arladan gaadhay iyo gibilka shaashoobay
  55. Wuxuu gubay murtaygii geyiga lagu garaacaayey
  56. Ee kaydow gelgelin uu ka dhigay ama hed uu gooyey
  57. Ee saaka gudaheeda jira yaa garmarin doona
  58. Ha garmaamo socotoo intay fadalo dheer goyso
  59. Xinjiraha ka go’bo yidhi wuxuu godano dheer buuxsho
  60. Dhiiguna ka galacleeyo oo gaawe laga dhaansho
  61. Godobtaa arladan yuururtee labada gow joogta
  62. Gocashiyo dhacdadan yaabka lihi waa tu gooniyahe
  63. Qaysow gef iyo daanadaa gacalka soo joogta
  64. Een laysugu garaabayn talow yaa garmarin doona…………………….……………….

wa bilaahi towfiiq
maxamed yaasiin maxamed ikacase

Comments are closed