|

Raiisul Wasaaraha Soomalaiya oo lagu wado in uu Gaaro magaalada Cadaado

Muqdisho May 31,20159SDN/QJ)-Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ra’iizul wazaaraha Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb si uu kaga qeyb galo wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka.

Amaanka guud ee magaalada Cadaado ayaa si weyn loo adkeeyey iyadoona uu magaalada ku sugnaa waziirka arimaha gudaha Xukuumadda federaalka ah ee soomaaliya sidoo kalane magaaladaasi uu shalay galankii dambe uu gaaray wafdi uu hogaaminaye waziirka difaacadda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saake lagu arkayaa wadooyinka waa weyn ee magaaladaasi iyadoona la sheegayo in aysan goobaha qaar u ogoleyn isticmaalka dadka iyo gaadiidka taasine waxa lagu macneeyey adkeynta amaanka guud ee magaaladaasi.

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Ra’iizul wazaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu qudbad ka hor jeedo ergada maanta kulmeyso si ay usoo xulaan baarlamaanka maamulka Gobolada dhexe ee dalka.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed