|

Gaboose oo cadaadiskii ugu waynaa wajahaya xili uu daah-furay ururka Barwaaqo

Siyaasiga Maxamed Cabdi Gaboose ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qabtay xaflad ballaadhan oo uu ku shaacinayay urur siyaasadeed cusub oo la yidhaa Barwaaqo kaas oo uu hore Hargeysa ugaga dhawaaqay, balse aanu u samayn daah fur.

Xafladda ayaa ahayd mid si wayn looga ilaaliyay dadka kasoo jeeda beesha siyaasi Gaboose ee Garxajis waxaana dad badan basas lagagasoo qaaday xaafaddaha kale ee magaalada oo u badan Jigjiga yar, waxaana xafladdu ay ka dhacday Hotel Guled.

Waxa la arkayay ciidamo badan oo lasoo dhoobay Hotel Guled xili aan looga baran goobaha mucaaradka ciidamo tiro badan, waxaana muuqatay cabsida laga qabay dad kasoo hor jeeda Gaboose oo soo gala gudaha xafladda.

Dadkii la fiayay ayaan iyaguna kasoo qayb galin daah furka urur siyaasadeedka Barwaaqo iyadoo muuqalada tooska ah iyo sawirada laga arkayay qaybo badan oo ka mid ah hoolka oo banaan ama kuraas madhan, arintaas oo dadka siyaasadda falanqeeyaa ku tilmaameen taageero la’aanta uu wajahayo Gaboose.

CADAADISKA SAARAN GABOOSE

Maxamed Cabdi Gaboose oo maanta hadal ka jeediyay munaasibadda daah furka ururkiisa Barwaaqo waxa ka muuqatay cadho xoogan oo uu ka qaaday taageerayaasha mucaaradka iyo beeshiisa oo diidan in uu urur furto xiligan, wuxuuna caddeeyay in uu jecel yahay Muuse Biixi, hadalkaas oo siyaabo kala duwan loo fasirtay.

Badi madaxda cuqaasha ee beesha Garxajis ayaa cadaadis ku saaray Gaboose in aanu sii wadin dedaalada uu ururka ku rabo, balse wuu ka diiday isagoo ku dooday in hankiisu aanu caqabad ku ahayn murashaxa madaxweyne Cirro.

Gaboose ayaa rejo xumo ka muujiyay cadaadiska uu reerkiisa kala kulmayo isagoo u waramay dad badan isla markaana u sheegay ‘in aanu garanahayn waxa laga rabo’ waa sida uu hadalka u dhigaye. Qurbejoog waxay ogaatay in Gaboose uu quus ka taagan yahay taageero uu ka helo Garxajis balse aanu taagnayn imika meel uu kasoo noqdo, wuxuuna isu dhiibayaa xisbiga Kulmiye iyo madaxweyne Biixi oo uu rejo ka qabo in ay kursi u hayaan.

Comments are closed