|

Cafis la filayo in madaxweyne Biixi u sameeyo dad xidhan

Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu dhawaan cafis u fidin doono maxaabiis badan oo ay ku jiraan dad u xidhnaa arimo siyaasadeed ama ay xadhigooda dabada ka riixaysay xukuumaddiisu, iyadoo la raacin doono Cafiska Ciidda.

Xogo hoose oo Qurbejoog ay heshay ayaa tilmaamaya in cafiska la raacin doono Saxafiyiinta Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo Maxamed Ilig oo labaduba u xidhan xukuumadda Somaliland balse ay xeer ilaalinta Somaliland kusoo oogtay dacwado kala duwan, kadibna lagu xukumay xukuno kala duwan. Labadauba waxay ku jiraan Jeelka Wayn Ee Hargeysa iyadoo uu kula jiro saxafi Cabdijibaar Maxamed Xuseen.

Muuse Biixi ayaa inta badan munaasibadaha ciidaha wuxuu cafiyaa maxaabiis badan oo ku xukuman xukuno kala duwan, guud ahaan deegaanada Somaliland.

Dhanka kale, waxa la sheegayaa in cafiskan la raacin doono xubno ka mid ah dadka la xidhay maalintii bisha June ahayd 9-ka ee Mucaaradka Somaliland dhigeen dibad baxyada, kuwaas oo iyagu ku jira Jeelka Madheera.

Comments are closed