|

Gaboose oo weji-gabax kala kulmaya Muuse Carre iyo Maxamed Cismaan Fadal oo urur furanaya

Hargeysa. 31 July, 2022. (QJ)- Siyaasiga wayn ee Maxamed Cabdi Gaboose ayaa wajahaya weji gabax culus oo uu kala kulmayo jufada uu kasoo jeedo ee Muuse Carre oo ka tirsan beesha Garxajis, iyadoo siyaasigii labaad ee beeshaas ahi uu dhawaan Hargeysa kaga dhawaaqayo urur siyaasadeed cusub.

Gaboose ayaa dhwaan furtay ururka Barwaaqo oo cadaadisyo joogto ah kala kulkmaya dhalinyarada, aqoonyahanka iyo salaadiinta beesha Garxajis wuxuuna raadinayaa taageero uu ka helo Muuse Biixi oo ay yeesheen shirar hoose.

Maxamed Cismaan Fadal oo kasoo jeeda beesha Muuse Carre horena uga tirsanaan jiray xisbiga Waddani ayaa la filayaa in magaalada Hargeysa uu urur siyaasadeed cusub kaga dhawaaqo, waxaana ay weji gabax ku tahay arintani Gaboose oo markii horeba la daalaa dhacayay culaysyada beeshiisa imikana ururka siyaasi ay isku jufo yihiin furanayo uu caqabad ku yahay.

Qurbejoog oo arintan u kuur gashay waxa ay xogaha aanu helnay tilmaamayaan in beesha Muuse Carre ay Fadal kaga kalsoon yihiin Gaboose, isla markaana taageerada Gaboose ay hoos u dhigtay Muuse Biixi iyo xukuumadiisa oo uu ku milmay.

Beesha Garxajis ayaa inta badan ka gaabsatay in ay furtaan urur siyaasaded iyagoo taageerada iskugu geeyay xisbiyada UCID iyo Waddani oo labadaba hogaankoodu ay ku abtirsadaan beesha Garxajis, tallaabadaas oo aan ka farxinahayn Muuse Biixi oo rajaynayay in siyaasiyiin badan oo Garxajis ahi ururo siyaasadeed furtaan.

Comments are closed