|

Taliyaha Ciidamada Badda Somaliland oo jabhad qorshaynayay ka hor intii aan la magacaabin

Hargeysa. 31 July, 2022. (QJ)- Taliyaha Ciidamada Badda Ee Somaliland ayaa qorshaynayay in uu samaysto jabhad ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi, ka hor inta aanu madaxweynaha Somaliland u magacaabin Taliyaha Ciidamada Baddda.

Qurbejoog ayaa ogaatay in taliyee Axmed Hurre Haariye uu muddo badan sugayay in la dalacsiiyo maadaama oo uu leeyahay khibrad ciidan oo badan, balse Taliye Nuux Taani iyo Madaxweyne Biixi ayaa ka gaws adayagay mudo dheer, ugu danbayn waxa loo magacaay taliyaha ciidamada badda Somaliland.

Haariye ayaa ah taliye milatari mudo aad u dheer, isla markaana aan wax tixgelin ah khibradiisa hore ugu helin.

Taliye Haariye ayaa sheegay in uu niyad jab ka qabay xukuumadda Muuse Biixi iyo maamulkeeda isagoo rabay in uu bariga Somaliland kaga dhawaaqo jabhad ka dhan ah Muuse Biixi, balse inta aanu tallaabadaa qaadin uu madaxweynuhu xilkan u magacaabay.

Ciidamada kala duwan ee Somaliland ayay ka dhex jirtaa xurgufo kala duwan iyo tabashooyin dhinacyo kala duwan la xidhiidha, xili arimahani kusoo beegmayaan khilaaaf culus oo ka jira Somaliland.

Hore ayaa Col. Caare bariga Somaliland uga dhawaaqay jabhad ka koobneyd ciidamadii bariga hore difaaca kaga jiray.

 

Comments are closed