|

Maamul Goboleedka Puntland oo gacanta ku dhigtay gaadiid ciidan oo Galmudug ugu soo degay dekadda Boosaaso

Boosaaso 29.August 2016 (SDN/QJ):-Ciidamada ka tirsan maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaadiid ciidan oo maamulka Galmudug uga soo degay Dekedda Boosaaso.

gaadiid-ciidanSida ay sheegayaan wararka gaadiidkan ayaa ah kuwa loo yaqaano cabdi-bilaha ee lagu rakibo qoryaha iyo gaari kuwa aan xabada karin.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in gaadiidkaas ay u soo socdeen deegaanada Galmudug, balse ay ka war heleen in lagu qabtay magaalada Garowe.

Warar ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya inuu socdo wada hadalo u socda Galmudug iyo Puntland oo ku aadan sidii gaadiidkaas loo fasixi lahaa.

Puntland ayaa wali ka hadal arrintan, iyadoo mas’uuliyiinta Galmudug ay iyana ka gaabsadeen in wax war ah siiyaan Warbaahinta.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan Galmudug ay sheegtay inay qabatay dhar milateri u socday Al-Shabaab, kaasoo laga soo dejiyay Dekeda Boosaaso.

Comments are closed