Manhattan April 07,2012(SDN)-Ganacsade u dhashay dalka Ruushka oo noloshiisa Film dhawaan laga sameeyay ayaa maxkamad ku taal Mareykanku ku riday Xadhig dheer.
Viktor Bout ayaa ka ganacsan jiray hubka,ciidamada Mareykanka ayaa dabin ay u dhigeen ku soo qabtay sanadii 2008dii.
Viktor ayaa Maxkamad qaadatay 2 daqiiqo waxa ay ku riday xukun 25 sanadooda.
Ganacsadahan ayaa maxkamada dhexdeeda ka sheegay in eeda loo jeediya ay tahay mid aan waxba ka jidhin,oo aakhirana la weydiin doono saraakiisha dabinka u dhigtay.
Mr Bout ayaa Mareykanku ku eedeyay in uu hub culus ka iibin jiray jebhado African u badan,isla markaana cadawga Mareykanka uu hub lidka diyaaraduhu ka mid yihiin ka iibiyay.
Dawlada Ruushka ayaa dhaleycyesay xukunka Mareykanku ku riday Ganacsadahan,waxaanay cadeeyee Ruushku in Viktor Bout yahay nin ganacsi caadi ah ku jiray.
SDN-Manhattan
