|

Garaad Jaamac oo Muuse Biixi u jawaabay

Laascaanood January 31, 2023 (QJ) – Garaadka Guud ee beeaha SSC Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa jawaab ka bixiyay hadal caro dhaliyay oo shalay ka soo yeeray Madaxweynaha mudo dhaafka xilka ku haya ee Somaliland.

Garaadka ayaa sheegtay in dadka kacdoonka ka wada Sool Iyo madaxdhaqameedka degaanada ee shirka aayo ka tashiga u fadhiya aanay argegixiso aheyn ee Somaliland ciidamadeedi yihiin kuwa argegaxa gelinaya shacabka SSC.

Garaadka ayaa baaq uu u diray beesha caalamaka ku sheegtay in aaney waxba ka jirin sheegashada Muuse Biixi isla markaana kaalmadii hore ay u siiyeen Somaliland loo isticmaalay waxyeelada shicibka SSC.

Garaadku waxa uu masuuliyada dhacdooyinka Sool uu leeyahay Muuse Biixi Iyo in wixii danbe ee halka ka dhaca isga dusha u ridan doono. Shir madaxdhaqameedka uga socda magaalada Laascaanood oo gebogebo ku dhawna waxa la filayaa in ay ka soo baxaan goaamo aayo ka talis oo ay SSC yeelaneyso.

Comments are closed