|

Geerida Safiirkii Somalida Ufadhiyey Qahira Oo Lasoo Xaqiijiyey

Qahira:Sep,30,2014(SDN/QJ)-Safiirkii Somala u fadhiyey Magaalada Qahira Cabdilaahi Xasan Maxamed (koofidheer), ayaa lasoo aqiijiyey inuu xalay ku Geeriyooday Halkaas.

koofiAllah u naxariisto Danjire Koofi Dheere waxaa shalay abaarihii 11:00Am ku soo booday xanuun degdeg ah isagoo hore u qabay cudurada macaanka iyo dhiig karka. Nasiib darro waxa uu galay koomo isagoo loo la caray isbitaal ku yaalla duleedka magaalada madaxda Masar ee Qaahira, hase yeeshee marxuumka tiisii ayaa gashay oo kama kicin xanuunkaa isaga ah.

Waxaa xusid mudan in shalay ilaa maanta ay Safaaradda  hakad galisay dhamaan adeegyadeeda xanuunka Safiirka awgiis, iyadoo la arkaayay muwaadiniin walaac ka muujnaaya xanuunka Safiirka una duceynaya Albaabka Safaaradda hortiisa.

Danijre Cabdullaahi Xasan waxa uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed, howl kar ah, oo in badan ka soo shaqeeyay wadankii hooyo. Cabdullahi Xasan waxaa lagu xusuustaa in uu ahaa Danijreyaasha fara ku tiriska ah ee xilka safiirnimo hayay muddo ka badan 30 sano.

Hadda wali lama sheegin goorta iyo meesha uu aaskiisa ka dhici doono, hase ahatee waxaa loo maleynaayaa in sidii dardaarankiisa ahayd lagu aaso Iimeey Bari ee Ismaamulka Soomaaliyeed ee Ethiopia oo ah degmada uu ku dhashay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed