|

Xildhibaan Cali Marreexaan Oo Gucle Ugu Jira Sidii Wiil Uu Xidid La Yahay Uu Ugu Soo Dari Lahaa Komishanka Doorashooyinka Ee Cusub

Hargaysa:Sep,30,2014(SDN/QJ)-Xildhibaan Cali Xasan Marreexaan Oo Kamid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, isla-markaana caan ku ah Dhegonugaylka Madaxtooyada, ayaa maalmahan Gucle ugu jira sidii uu xubin uu xidid la yahay ugu soo dari lahaa Komishanka Doorashooyinka ee lagu wado  in dhawaan la dhisi doono.

mareexaanWararka aanu helayno ayaa sheegaya in Wiilka uu Xildhibaan Cali-marreexaan doonayo in Komishanka lagu soo daro uu  yahay Ganacsade caan ah oo magaciisa lagu sheegay Faysal Dhoore oo ah Mulkiilaha Shirkadda Afrika Online, kaas oo la sheegay inuu Abti u yahay, isla-markaana ay xidid dhaw yihiin.

Xildhibaanka ayaa olole xooggan ugu jira sidii xubintaasi uga soo dhex muuqan lahayd Komishanka Doorashooyinka ee dhawaan la unki doono, waxana uu kalsooni badan ka qabaa dhinaca xukuumadda oo ay adagtahay inay kusoo celisaa.

Xildhibaan Cali Marreexaan ayaa wararka qaarkood sheegayaan inuu waxoogaa shaki ah ka  qabo dhinaca Haweenka Madaxtooyada xoogga ku leh oo iyagu aan aqoon durugsan u lahayn Wiilkan xildhibaanku wato, balse waxa uu cod dheer ugu sheekay inuu kasooo gudbay Shay-baadh dheer uu soo mariyey, isagoo kalsoonida madaxweynahana midigta ku Haysta.

Talaabadan uu Xildhibaan Cali Marreexaan ku doonayo inuu Xubinta uu xididka la Yahay ugu soo daro Komishanka Doorashoyinka Qaranka ayaa ah mid Gebi ahaan Dhaawac ku ah dhexdhexaadnimadii  iyo Kartidii la doonayey inay ka muuqato Komishanka Doorashooyinka qaranka oo Hawl culus loo igman doono, iyadoo uu hore madaxw3eyne Siilaanyo xubnihii Mucaaridku soo magacaabeen iyo kuwii Guuritdaba uu Madaxweynuhu hore dib ugu celiyey.

Xildhibaan Cali Marreexaan ayaa kali ku ahayn Soo xulidda iyo Guclaha loogu jiro in xubno cusub lagu yeesho Komishanka, waxase Ayaamahan dhaqdhaqaaqiisa laga dareemayey Xarunta Golaha Guurtida Maxamed Aadan Qabo oo dhawaan Kulmiye Ku Biiray, balse aan ilaa iyo Haatan wax Xil ah Loo Garanin.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed