|

Go’aankii Mareykan ku baajiyay dhoolatuskii Berbera oo kala kexeysay Muuse iyo HEEGO

Hargeysa June 02, 2023 (QJ) – Safiirka xilka ka degeya ee dalka Mareykanka Larry Andre ayaa dhawaan u sheegay iddaacada BBC da sababta meesha looga saaray dhoolatus Mareykanku ku qaban lahaa dekedda Berbera.

Dhoolotuskan oo Madaxweynaha mudo dhaafka xilka ku joogaahi uu bulshada ugu fasiray ictiraaf dadban ayaa hadana waxa gilaaftay goaankiisii weerarka magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Safiir  André ayaa sidoo kale sheegay in mudaba ay farayeen madaxweynaha sharcidarada xilka ku fadhiya in uu joojiyo dagaalka Laascaanood isla markaana ay haatan ka warsugayaan uun madaxdhaqameedka Muqdisho ee hawsha ku jira, ka dibna ay goaan qaadan doonaan.

Kooxda ku shaqeysa nidaamka dawladeed ee Somaliland ee HEEGO ayaa goaanka Mareykanka ee soo shaacbaxay ku keenay kala qeybsanaan tii ugu saameynta badneyd.

HEEGO oo u arkeysay dhoolatuska Mareykanka oo lagu qabto Berbera fursad ganacsi oo ay ku keliyaysan doonaan ayaa haatan markii u horeysay suaal ka keenay hogaanka Muuse.

Muuse ayaa sida lala socdo, hantidii ummadda ee uu shanta sano urursanayay ku khasaariyay dagaalka nus malyuunka ku baxa maalin walba ee ka socda Goojacade.

Madaxtooyada ayaa haatan la sheegay in khasnadii haawaneyso, oo HEEGO iyo ganacsatadii dalka iminka la bilaabay in dib loo baarto.

Waxaana haatan todobaadyadii u danbeeyayba socday qorsheynta iyo ka hadalka sidii ay Muuse iyo duqeyda siyaasadacasriga ah ka madhan ee ku hareyreysan ay isu dhaafin lahaayeen iyo cida ay ku bedeli karaan.

HEEGO oo kaashaneysa ashkhaas kala duwan oo gude iyo dibedba ku sugan ayaa haatan wada qorshe Muuse lagu kala dooradsiinayo qabashada doorosho ama xil wareejin.

 

Comments are closed