|

Madaxtooyada Somaliland oo cadeysay cida ay u xiran tahay Bushaaro Baaday

Hargeysa May 31, 2023 (QJ) Madaxdhaqameedka beesha bariga burco ee ay ka soo jeedo suxufiyada u qafaalan xukuumada Muuse Biixi ayaa dhawaan dalab sii deyn ah ula tegay madaxweynaha mudo dhaafka xilka ku jooga.

Xogo ka agdhow madaxdhaqameedka ayaa noosheegay in Cosoble ka dhego adeygay sii deynta suxufiyada ku xanuunsaneysa xabsiga.

Muuse “Cosoble” Biixi ayaa la sheegay in uu si jees jees ah ugu sheegay madaxdhaqameedka in inantoodu u xiran tahay Maxamed Kaahin oo ku magaacaban Wasiirka Arimaha Guddaha xukuumada dhacday ee Somaliland.

Arintan ayaa cadey u ah in Suxuufiyadu aaney jebin shuruucda dalka u yiilay. balse ay si qafaalasho ah u xiran tahay.

Bushaaro Banday ayaa laga soo xigtay in ay jirdil u geysteen ciidamada Muuse uun ka amarqaata ee ku sugan xadka Itoobiya.

Intii ay ku jurtay gacanta ciidamada afduubtay ayaan loo ogolaan in ay qaraabadeedu arkaan isla markaana aan loo ogolaan in ay hesho daryeel caafimaad.

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ee caalemiga ah iyo kuwa maxaliga ayaa dhaleeceeyay xariga suxuufiyada ee sharci darada ah.

Comments are closed